Farmaajo iyo Abiy Axmed oo wadahadalo telefoonka ah yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha wadanka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa wuxuu shaaciyey in uu wadahadalo dhanka telefoonka ah la yeeshya hogaamiyeyaal uu kamid yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu ku faafiyey bartiisa Twitter-ka ayuu ku faafiyey in sidoo kale uu la hadlay Cabdalla Xamduuk, ra'iisul wasaaraha Suudaan iyo madaxweyneyaasha Jabuuti, Kenya iyo Suudaanta Koonfureed.

"Waxaan isku raacnay in aan si abaabulan uga jawaabo caqabadaha soo ifbaxaya," ayuu yiri, isagoo aan sharaxaad dheeri ah bixin.

Wasiirka koowaad ee Addis Ababa ayaa raaciyey: "Hadafyadeena is-dhexgalka ee gobolka uma baahna in la carqaladeeyo haddii aan ku hoggaansanno oo aan aan wada hogaamino danaha wadajirka ah".

Wada-xaajoodka telefoonka ee hogaamiyeyaasha ayaa kusoo aadaya xili dunida ay laka caakufeyso xakameynta caabuqa Corona.

"Wadamada xubnaha ka ah IGAD, siurur goboleed ahaa, waxay ciyaari karaan kaalin hoggaamineed oo muhiim ah si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19 iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto caqabadaha dhaqaale ee uu fayraskani soo rogi karo," ayuu hadalkiis kusoo xiray Abiy Axmed.

Soomaaliya ayaa waxaa laga helay hal kiis oo Coronavirus ah, halka Itoobiya ay ka badan tahay tobban. Todobaadkana, waxay qaarada guddoomeysaa deeq wax ka tareysa la dagaalanka cudurka oo ka timid Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM