Farmaajo iyo Abiy Axmed oo wadahadalo telefoonka ah yeeshay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra'iisul wasaaraha wadanka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa wuxuu shaaciyey in uu wadahadalo dhanka telefoonka ah la yeeshya hogaamiyeyaal uu kamid yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu ku faafiyey bartiisa Twitter-ka ayuu ku faafiyey in sidoo kale uu la hadlay Cabdalla Xamduuk, ra'iisul wasaaraha Suudaan iyo madaxweyneyaasha Jabuuti, Kenya iyo Suudaanta Koonfureed.

"Waxaan isku raacnay in aan si abaabulan uga jawaabo caqabadaha soo ifbaxaya," ayuu yiri, isagoo aan sharaxaad dheeri ah bixin.

Wasiirka koowaad ee Addis Ababa ayaa raaciyey: "Hadafyadeena is-dhexgalka ee gobolka uma baahna in la carqaladeeyo haddii aan ku hoggaansanno oo aan aan wada hogaamino danaha wadajirka ah".

Wada-xaajoodka telefoonka ee hogaamiyeyaasha ayaa kusoo aadaya xili dunida ay laka caakufeyso xakameynta caabuqa Corona.

"Wadamada xubnaha ka ah IGAD, siurur goboleed ahaa, waxay ciyaari karaan kaalin hoggaamineed oo muhiim ah si loo xakameeyo faafitaanka COVID-19 iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto caqabadaha dhaqaale ee uu fayraskani soo rogi karo," ayuu hadalkiis kusoo xiray Abiy Axmed.

Soomaaliya ayaa waxaa laga helay hal kiis oo Coronavirus ah, halka Itoobiya ay ka badan tahay tobban. Todobaadkana, waxay qaarada guddoomeysaa deeq wax ka tareysa la dagaalanka cudurka oo ka timid Shiinaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM