Farmaajo iyo Fahad oo lala xiriiriyey "fal Diiniyan xaaraan ah"

Image
Baaritaan caalami ah ayaa cod dheer lagu baaqay in lagu sameeyo "dhaqan-xummadan".

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa 18 gabdho u shaqaaleysiiyey in ay muuqaal anshax-xumo ah ka duubaan shaqsiyaadka ka aragtida duwan, sidda ay sheegayaan wararka.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka dhigay in qaar kamid ah haweenkan "looga keenay Itoobiya in ay qabtaan shaqooyinkaas baalmarsan Diinta Islaamka".

Cabdisataar Xasan Cali, oo ka mid ahaa dhallinyarada ka shaqeysay Safaaradda Soomaaliya ee waddanka Keyna, ayaa hoosta ka xariiqay in gabdhahan ay qaarkood dagan yihiin hoteeladda ku yaala magaaladda Muqdisho.

Sida laga soo xigtay Cabdalla oo taliye ku xigeen kasoo noqdey hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya, arrintan "waa khatar horleh oo u baahan baaritaan caalami ah".

"Kooxda F&F rakaato iyo anshax xumo waa shaqadooda horena waa jireen warbixino arimahaas la xariira. Sirdoonka waxaa canshuurta shacabka loogu bixinayaa waxay ahayd in ay cirdiga iyo sharafta ilaaliyaan ee maahayn in suuq fuxshi iyo anshax xumo dhiiri galiya ay noqdaan," ayuu tibaaxay.

Cali oo u waramay Hanoolaato ayaa ka shanqariyey in gabdhahaas ay muuqaalo ka duubeen qaar kamid ah madaxda maamuladda "laguna cabsi-geliyo mar walba ay gaarayaan go’aano masiiri u ah dadka ay metelaan iyo dalka".

Cabdalla oo dacwad uu ka gudbiyey Fahad Yaasiin Daahir awadeed looga saarey hay’adda sirdoonka loogana xayuubiyey darajooyinka ayaa tuhunsan in qaar kamid ah haweenka itoobiyaanka ah ay mukhaabaraad u yihiin dalka.

"Dumarka F&F (Farmaajo iyo Fahad) ay rakaatada u isticmaalan waxaa ka mid ah kuwo ka yimid Ethiopian oo shaqadaas Xamar loo keenay. Waa arin khatar teeda leh, waxaa suuragal ah inay dumarkaas yihiin sirdoonka dalkaas sidaasna ay ayaguna dhankooda ugu adeegaan dalkooda. F&F si walba dalka iyo dadka waa u dhibaateeyeen," ayuu carabka ku dhuftey.

Warsidaha Garowe Online ayaa si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashooyinka laban xubnood. Dhanka kale, xafiisyadda Farmaajo iyo Fahad ayaan wali ka jawaabin eedeyntan.

Soomaaliya ayaa haatan dhexda waxay uga jirtaa mar-xalad kala guur ah. Mar walba oo xilliyadan oo kale la gaaro, waxaa aad u kordha shirqoolada siyaasadeed oo ay kamid yihiin dilalka abaabulan iyo falalka sumcad dilka la xiriira.

GAROWE ONLINE

Related Articles