Farmaajo iyo Fahad oo lala xiriiriyey ismiidaaminta Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo iyo lataliyihiisa amniga qaranka, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa ku lug leh qaraxii xalay ka dhacay Muqdisho, sida uu sheegay khabiir dhanka sirdoonka ah.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla, taliye ku xigeenkii hore ee hay'adda mukhaabaraadka qaranka, ayaa rumeysan in Farmaajo iyo Fahad ay weerarkan ka lahaayeen "qorshe mashquulin ah".

Sida laga soo xigtey Cabdalla oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook, qorshaha ayaa ah "in dareenka dadweynaha laga leexiyo is bedelka lagu sameeyay qaar kamid ah wasiiradda xukuumadda xilgaarsiinta ah".

"Maxaa isku soo aadiyay beegsiga agaasimayaasha warbaahinta qaranka iyo isku shaandhaynta wasiirada iyo eryidda W/Arimaha Dibedda? Waxaa muuqata in qorshe mashquulin ah ay F&F kala haayeen isbadal kan," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Sida uu VOA u xaqiijiyay Wasiirka Arimaha dibedda hore, qofka ay is qabteen waa Farmaajo oo xilkiisii dhamaatay sanad ka hor, welina u tafaxa haydan inuu dhiig kale Ku daadiyo dalka",

"Reer Muqdisho dhowrkii isbuuc ee la soo dhaafay waxay ka markhaati ahaayeen janaasooyin badan oo dad waxgarad ah loo gaystay, maalmaha soo socdana waa ka sii darnaan doonaan," ayuu xusay.

Cabdalla ayaa kusoo xiray: "Beegsi wax garadka iyo haldoorka bulshada ah ayaa F&F kordhin doonaan! Afduubka iyo AlShabaab u dhiibista waa sii kordhi doontaa! Inta Farmaajo Villa Somalia joogo AlShababna waa kula joogaa!".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM