Farmaajo iyo Fahad oo looga digay in ay ciidanka u isticmaalaan siyaasada

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxda waqtiga kasii dhacayo ee Soomaaliya waa in ay ogaadaan ciidamada ay inta ay xafiiska u joogaan u adeegsanaa siyaasadda ay berri iyaga "isbaaro u dhigan doonan", sidda uu uga digay siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa hoosta ka xariiqay in weerarkii ay ciidamada nabad-sugida ku ekeeyeen hoygiisa uu burburiyey kalsoonida ay siyaasiyiinta ku qabaan ciidamada.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo si gaar ah u carabaabay madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA, Fahad Yaasiin Daahir, ayaa ku waaniyey hogaanka dalka in ay hay'addaha amniga ka fogeeyaan siyaasada si dadka u aamino.

"Askariga hadii aan loo sheegin 'shaqadaada waxay tahay in aad ilaaliso dowladnimada, dastuurka, amniga iyo dadka'; hadii qori loo dhiibo mooryaanka wuxuu ka bedelan yahay ma jirto hadii qof kasta loo isticmaali karo," ayuu ka sheegay munaasabad ka dhacdey magaaladda Dhuusamareeb.

Kulankaas oo ay ka qeybgalaan mas'uuliyiin uu ku jiro Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi iyo qeybaha kala duwan ee bulshadda ayaa ciwaankiisu wuxuu ahaa 'Dalkeena dowlad noocee ayuu u baahan yahay?".

"Dowladnimada aan u baahan nahay waxaa aas-aas u ah heshiis bulsho, ciidan amniga gudaha iyo dibadda ilaaliya iyo siyaasad xasilan," ayuu xusay, isagoo ka jawaabay su'aasha uu daaranaa kulankaan qabsoomay xalay.

Soomaaliya ayaa soo kabasho ku jirta tan iyo 1991-dii, waqtigaas oo ay burburtay dowladii milatariga ahayd ee Siyaad Barre. Xukuumadihii talada isaga kala dambeeyay way shaqeeyeen, walise waa faanoole fara kama qodna.

Dowladda uu haatan hogaamiyo madaxweyne Farmaao ayaa wajaheysa eedeymo ay ku jiraan in ay maamulada iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan u adeegsato awood ciidan iyo mid dhaqaale, taasoo laga digay in ay isku dhac keento.

Wallow ay ku fashilantay codeyntii Jubaland, haddana doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayay ku shubatay iyadoo ciidan adeegsaneysa. Sidoo kale, askar habeenkii la keeno, habeenkiina la daabulayey ayey u dirtaa Ereteriya.

Dhamaan talaabooyinkan ayaa walaac ku abuurey dowladaha xubnaha ka ah federaalka, saamileyda, xisbiyada mucaaradka iyo xubno kamida Beesha Caalamka kahor doorashada loo qorsheeyay dhamaadka 2020, iyo bilowga 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse oo furay kulan lagu darsayo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya

Kulanka aqoon isweydaarsiga ah ayaa waxaa goobjoog ka ah Wasaaradaha Wax-soosaarka dalka.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 04:50PM

Senator Maryan oo Xasan iyo Xamse ku waanisay “inay qabuuraha ka xishoodan”

Qoraal ay ku daabacdey baraha bulshadda ayay aad uga faallootey mawduucka boobka dhulalka ee soo badanaya.

  • Soomaliya

    05-05-2024

  • 01:09PM