Farmaajo iyo Fahad oo loo diray digniin ku aadan doorashada 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Iyaddoo wali aan la qaboojin xiisadda ka dhalatay guddiyadda doorasho ee xisbiyadda mucaaradka dureen, waxaa isa soo taraya digniinaha ku aadan in ay musuqmaasuqaan xulista Xildhibaanadda.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka waqtiga kasii dhacayo ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyaha sirdoonka, Fahad Yaasiin Daahir, ku booriyey in ay ka waantoobaan isku day kasta oo wax is-dabamarin.

Cabdiraxmaan Odowaa, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha haddana kamid ah Golaha Shacabka, ayaa ka jawaabay hadalkii Ra'iisul Wasaare Ku Xigeenka ee ahaa in Farmaajo uu ku adkaan doono wareega koowaad coddeynta 2020-21.

Odowaa oo ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweynayey murashax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa meesha ka saarey arrintaas.

"Dadkan oo dhan Farmaajo iyo beentiisa markii la yiri waa la iska qabanaa in ay sacbiyaan ayay diyaar u yihiin. Ninka shaqaa laga qabtay 'Farmaajo ii geeya waa laga keenay', biyo raacis kaliya ayaa u dhiman. Nimanka ayaan dhaweyd ayay nagu cayaar barteen meel la yiraahdo Baydhabana waa nagu soo kala direen Dhuusamareebna annagoo caga-cad ayay nasoo direen meeshii Jowhar ruuxadeeda Ugaas Xasanoo hal sano na hortaagnaa juuqdiisa lama maqal. Nimanka bahasha saas in ay u fududahay ayay moodaan," ayuu Odowaa yiri.

Sanator Cabdi Axmed Dhuxulow [Dhegdheer] oo isla madashaas ka garamay ayaa ku waaniyey Farmaajo in uu ilaaliyo sharciyadda doorashadda isla markaana uu waddanka u horseedi karin qalalaase sidda Itoobiya hadda wajaheyso.

"Waxa la isku haystaa madaxtinimada dalka waaye. Naceybna ma jiro qabiilnimana ma jirto. Marka cid hadii afartii sano ee loogu talagalay ay dhameysato waxa laga filayo waxa weye marka sidii ay madaxtinimada soo doonaneysay loola in ay u dhaqanto waaye. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweyne ka ahaa dalka ay ka tartamayeen dad badan oo madaxweyne Farmaajo kamid yahay," ayuu sharci-dejiyaha ka dhawaajiyey.

Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "Waxyaabihii aan ku xasuusto oo murashaxiintaas dhihi jireen waxaa kamid ah 'doorasho xalaal ah ayaan rabnaa ayaan u baahanahay' maanta miyaa doorashada xalaal tahay oo uu madaxweyne Farmaajo miyuu dhihi karaa 'askar ayaa inta aan qorto ayaan dalka ku qaadanaa?' maya waaye taas; hadii meeshaas dhibaato ka timaado madaxweyne Farmaajow adigaa keenay ogow dadka ma keenin".

Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan tirsan Aqalka Hoose, ayaa "riyo-maal-meed" ku qeexay in madaxda dowladda waqtiga kasii dhacayo ay ku shubtaan doorashadda, wuxuuna hoos u dhigay awooda ay arrintaas u leeyihiin.

"Meeshaan waxaa uga sheegeynaa Fahad iyo Farmaajo dadkani [shacabka Galmudug] dad la xoogi karo ma ahanee maalin cad idinkoo soo jeedo ayaad riyooneysaan riyadda ka kaca ayaan idin leenahay," ayuu carabka ku dhuftay isagoo si gaar ah uga hadlaya boob ay Villa Soomaaliya isku daydo in ay ku sameyso soo xulista XIldhibaanadda 45-ta ah ee ka imaanaya mamaulka Galmudug.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faragelisay xubnaha ay maamuladda Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle u soo magacowdeen guddiyadda doorashooyinka, arrintaasoo keentay cabsida in ay soo saarto Xildhibaano taageersan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM