Farmaajo iyo Jawaari oo qabtey Shir Jaraa'id oo wadajir ah [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha xilka iska-casilay ee Gollaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta si wadajir ah u qabtey Shir Jaraa'id aqalka Madaxtooyada.

Jawaari oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in sababta uu Shirka Jaraa'id uga soo muuqday ay tahay inuu si rasmi ah u caddeeyo is-casilaadiisa lagu soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee hareeyay Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Is-casilaadda Gudoomiyaha ayaa shalay soo ifbaxday kadib markii ku xigeenkiisa 1aad Cabdiweli Muudey ka shaaciyay Gollaha Shacabka, oo lahaa fadhi cod loogu qaadi lahaa Mooshinka Kalsooni kala noqoshada ee ay Xildhibaanada ka keeneen Jawaari.

Waxa uu intaasi ku daray Jawaari in xilka ka degi doono maalinta berri, islamarkaana uu amaanada dib ugu celin doono Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka, oo hadda wixii ka dambeeyay uu ka noqon doono xubin kamid ah oo la fariisan doono Xildhibaanada.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban jeediyay ayaa marka hore uga mahadceliyay Jawaari go'aankii Taariikhigi ahaa ee uu xilka isaga casilay, isagoo ugu baaqay Gudoomiyaha inuuu halkeedii kasii wado shaqada uu u hayay qaranka.

Hoos ka Daawo Shirka Jaraa'id:

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM