Farmaajo iyo Rooble oo mar kale goradda is-daray

Image
Warbixinada ayaa muujinaya in labada dhinac ay isku qabteen qodob la xiriira doorashadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa mar kale gorada is-daray, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in labada mas'uul ee ugu sareeya dalka ay isku qabteen is-bedelka uu xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka uu ku sameeyay wasiirka koowaad ee xukuumada xilgaarsiinta.

Rooble oo masuul ka ah daadihinta nidaam doorasho kaasoo lagu wadda qanci karo natiijadda kasoo baxda ayaa ceyrinta xubnahaas wuxuu u cuksadey in ay ku milmeen is-qabqabsiga siyaasadda.

Wararka dheeraad ah ee khuseeya qadiyaddan ayaa intaas ku daraya in Madaxtooyadda Soomaaliya oo aad uga carootay talaabadda Rooble ay qaadey talaabooyin ay uga aargudaneyso.

Taliyaha ciidamadda badda, Cabdixamiid Maxamed Dirir, ayaa todobaadkan wuxuu shaaca ka dhigay in Rooble uu ka dambeeyo dhul-boob lagu bilaabay dhisme uu ciidanka badda ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhiga Xasan Xuseen Xaaji oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa dalbadey in baaritaan madax-banaan lagu sameeyo eedeynta Jeneraal Dirir taasoo xafiiska Rooble uusan wali ka jawaabin.

Taliyaha ciidamadda xoogga dalka, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa guddi ka kooban afar xubnood u saarey baaritaanka qadiyaddan kana dalbadey jawaab deg-deg ah.

Farmaajo iyo Rooble ayaa horey isugu qabtey qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax kaasoo kusoo gabagaboobay heshiis ay gaareen. Is-fahamkas kadib, ra'iisul wasaaruhu wuxuu u socdaalay dalka Qadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM