Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo ku kulmay Villa Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha la doortay ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula kulmay Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxa'uud xarunta Villa Somalia.

Kulankaas oo ahaa qado ay joogeen mas'uuliyiinta kale, ayaa waxay uga hadleen qaabka ay u dhacayso Xil-wareejinta iyo waqtiga la qabayo Munaasabada uu Xilka kula wareegayo Mudane Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub soo tusay xafiiska uu ka arrimin doono isagoo la qaatay kulan gooni ah.

Mudane Farmaajo ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta uu ugu sameeyay Villa Somalia, wuxuuna sidoo kale ku ammaanay waxqabadka dowladdii uu hogaaminayay Afartii sano ee lasoo dhaafay.

Xafladda Xil-wareejinta ayaa lagu wadaa inay dhacdo kahor inta aysan dhammaan Bishan February, iyadoo kulankaas diiradda lagu saaray siyaabaha loo marayo xil-wareejinta.

Waa Kulankii ugu horeeyay ee uu Madaxweyne Farmaajo la yeesho Xasan Sheekh Maxa'uud, tan iyo markii Arbacadii lasooo dhaafay loo doortay Xilka Madaxweynaha, oo uu cod aqlabiyad leh kusoo baxay.

Mudane Farmaajo ayaa maalmahan waday Kulamo xiriir ah, oo uu la samaynayay Diblomaasiyiin, Murashaxiintii kula tartantay Doorashada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Guud ahaan Somalia, waxaa aad isha loohu hayaa Tallaabooyinka uu qaadi doono Farmaajo 100-ka maalmood ee ugu horeysay shaqadiisa taasoo ay qayb ka tahay soo magacaabista Ra'isal wasaaraha dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM