Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo mar kale kulmay [Ujeedka]

Image

ISTANBUL - Madaxwaynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] ayaa mar kale waxa uu kula kulmay Magaaladda Ankara ee caasimadda dalka Turkiga ninkii xilkaan kaga horeeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaan oo noqonaya midii saddexaad oo ay wada kulmaan dhinacyaddaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray is-aragooda xaaladda dalka Soomaaliya, gaara ahaan dhinacyadda siyaasadda oo dowladda Farmaajo mucaarad xoog leh ay wajaheyso.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii ugu dambeeyay oo ay wada yeesheen dhinacyaddaan leysla soo hadal-qaaday hadalo maalmihii udambeeyay leysla dhex-marayay oo ku saabsan inuu Xasan Sheekh kusoo wajahan yahay Muqdisho, uuna ku dhawaaqayo isbaheysi mucaarad ah.

Sidoo kale, fahfaahinadda ayaa tibaaxaya in Ishabeysiga mucaaraadka ah ee uu Xasan Sheekh hogaamin doono uusan qayb ka ahaan doonin Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, kaasoo la fahansan yahay inuu yahay mucaaradka ugu xoogan dowladda hadda jirta.

Farmaajo ayaa wuxuu utegay Magaaladda Ankara ee dalka Turkiga ka qaybgalka shir-waynaha Xisbiga taladda haya ee dalkaas, kaasoo loo yaqaan AK Party, waxaana uu kamid ahaa Madaxwaynaha Soomaaliya marti sharaf kala duwan oo lagu casuumay.

Dalka Jabuuti ayuu Madaxwanaha kasoo kicitamay halkaasoo uu kula soo kulmay dhigeeda Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kawada hadleen adkeynta xiriirka labadda dowladood, kaasoo mad-madow geliyay baaq uu Farmaajo udiray Qaramadda Midoobay isaga oo Eritrea ku sugan oo ahaa in Asmara laga qaado cunaqaybta iyo xayiraadaha saaran.

Talaabadaas oo ay si wayn uga carootay Jabuuti ayaa war-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradeeda Muqdisho lagu dhaliilay, inkasta oo kulanka Farmaajo iyo Geelle kadib ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibada dalkaas in xiriirka yahay "mid fiican".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM