Farmaajo oo lagu waaniyey ka tanaasulka boobka doorashada

Image
Beesha Caalamka oo walwal ka muujisay qaabka la duray ee ay ku bilaabatay doorashadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Doorashooyinka Soomaaliya waxay si daahfuran noqon karaan marka madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo uu ka tanaasulo boobka coddeynta, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay Facebook-ga, ayaa sheegay in Farmaajo ay tahay in uu noqdo "mukulaashii madaxa doolliga ka xajisay".

Sida laga soo xigtey Warsame oo kamid ah mucaaradka ugu weyn ee doorashooyinka, maamulka Farmaajo ayaa ku suntan boob doorasho iyo in ay ku dadaalaan sii saadaalinta natiijadda kasoo baxaysa doorashadda.

Hoos ka akhriso qoraalka Warsame

Farmaajo intii uu xilka sharciga ah hayey seddax doorasho ayaa la qabtay, midna laguma tartamin. Tii Aqalka Sare tartan kama dhicin, tiro kooban maahee, Tan haatan billaabateyna tartan kama jiro. Haddaba sideen ku aaminaa in doorashada madaxweynaha lagu  tartamayo. Haddii Jawaari loo diiday shahaado tartan xildhibaan, sideen aniga tan tartanka madaxweynaha ku helayaa?

Haddii Farmaajo horay labo Guddoomiye Baarlamaan midna xilka ka tuuray, kii kalana Villada ka soo cayrsaday, labo Raysalwasaaremidna xilka ka tuuray, midna la dagaalay, haddana dib u ceshaday.

Haddii uu xildhibaano u diiday in ay Baarlamaanka soo galaan, Mucaaaradkii iyo madaxdii dalka uga horreysay xabbad iyo weerar ku simay. Haddii Raysalwasaarihii masuuliyadda doorashada iyo amniga loo dhiibay uu leeyahay boobka doorashada ee socdaa waxba kama qaban karo.

Sideen lagu aaminnaa in aan doorashada madaxtinnimada la boobaynin, ama la isku diidaynin, ama la isku dulminaynin. Mise Farmaajo ayaa dhaqan boobka iska deynaa oo noqonaya Mukulaashii madaxa doolliga ka xajisay?

Falsafada meesha taala waa doorasho natiijadeeda la hubo, ama doorasho la’aan. Cidii malxiis ka noqonaysa iyo cidii diidaysaba. Qaylo dhaan warmo kama tunmaan.


Beesha Caalamka oo walwal ka muujisay qaabka la duray ee ay ku bilaabatay doorashadda Soomaaliya ayaa dalbadey in si loogu kalsoonaado natiijadda ay muhiim tahay in tartanka kuraasta ay noqdaan kuwa loo-dhan-yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM