Farmaajo muxuu ka yiri cunaqabateynta laga qaadey Eritrea?

Image

MUQDISHO - Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa ka hadlay cunaqabteynta golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ka qaadeen dalka Eritera isagoo ku tilmaamey mid waqtigii loo baahnaa timid.

Farmaajo oo bartiisa Twitter soo dhigey fariintaan mahadnaqa ah ayaa ku micneeyay in talabadaan ku timid dadaal wadajir ah ay muujiyeen dalalka Sadxeda ah (Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya) waxaana uu ku timaamey in si deg deg ah wax uga tareyso isbadalka ka socda geeska Afrika.

Gollaha amaanka oo cod qaadey maanta 14 November, 2018 ayaa si buuxda isugu raacey in cunaqabateynta ku dhowaad Toban sano saarneyd dalka Eritera laga qaado balse ka dalbadey dalkaas inuu hagaajiyo xiriirka uu la leeyahay dalka Jabauuti.

Cunaqabateynta saarneyd Eritrea ayaa ka koobneyd xanibaado safarka ah ee saarnaa shaqsiyaad ka tirsan dowlada dalkaas, lacago laga xanibey dad ku dhow hogaanka Afwerki iyo hubka kuwaas oo bilowdey sanadkii 2009 xiligaas oo lagu eedeyey Asmara iney gacan siiso kooxaha argagixisada ee ka dagaalamayay dalka Soomaaliya.

Bishii July ee 2018, dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa bilaabey in heshiis ka gaaraan khilaafkii xuduuda ee u dhexeeyey taas oo wadada u xaartey in labada dal safaarado ka kala furtaan Addis Ababa iyo Asmara halka duulimaadyada iyo ganacsiga la xiriira badeecadaha bilowdeen.

Dhinaca kale, heshiiska labadaan dal kadib (Itoobiya iyo Eritrea) waxaa aad isugu soo dhowaadey xiriirka Madaxweyne Farmaajo la leeyahay Madaxweyne Afwerki iyo RW Abiy Axmad.

Dadka siyaasada gobolka la socda ayaa u sheegay GO in xiriirkaan ujeedkiisa ugu weyn ahaa in Abiy Axmad iyo Afwerki dalka Soomaaliya u adeegsadaan iney codkeeda ku biiriso in golaha amaanka cunaqabateynta ka qaado Eritrea.

Hogaankii hore ee Itoobiya ayaa Villa Somalia horey uga adeegsadey in cunaqabateyntaan la saaro Eritrea taasoo Madaxdii xilgaas ee Muqdisho xilka ka haysay ka markhaati kaceen in Afwerki tageero kooxda Islmaayiinta ah ee ka dagaalamayey dalka Soomaaliya.

Isu soo dhowaanshaha madaxda sadexda ah ee dalalka (Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya) ayaa waxaa ka maqan dalka Jabuuti kaas oo go'doon siyaasadeed la galiyey.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM