Farmaajo oo abaabul iyo uruursi ciidan ka bilaabay Muqdisho

Image
Tani ayaa imaanaysa xilli caasimada ay martigelineyso shirka golaha wadatashiga qaranka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Farmaajo ayaa bilaabay abaabul ciidan si uu xukunka baaqi ugu sii ahaado, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, ayaa tibaaxay in Farmaajo uu qaadey 11 howlgal ciidan 2017 illaa 2021 kuwasoo uu ku beegsadey siyaasiyiin.

Sida laga soo xigtey Warsame, waxaa muhiim ah in ahmiyadda koowaad la siiyo badbaadada dalka oo ku jira "marxalad halis ah oo u baahan go'aano adag iyo geesinimo".

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WARSAME

Laga soo billaabo weerarkii xarunta Wadajir ee Dec 2017, ilaa isku daygii afganbi ee 27 Dec 2021, Farmaajo wuxuu qaaday 11 hawlgal ciidan oo uu ku beegsaday siyaasiyiin ka aragti duwan.

Haatan wuxuu wadaa abaabul ciidan oo xerooyin gaar ah lagu ururinayo askar lagu xulay in ay daacad u yihiin. Waxaa la beddelayaa taliyayaal urur iyo horin oo lagu tuhunsan yahay in aysan dagaalkiisa daacad u ahayn.

Gadoodkii ciidan ee 24 April 2021 dhacay, waxaa ka dhashay heshiis ah in amniga dalka lagu wareejiyo Raysalwasaaraha. Qoddobka 103 ee Dastuurka wuxuu dhigayaa in haddii muddo xileedka dowladda uu dhammaado xukuumaddu ay si xilgaarsiin ah awoodda dalka ku sii haynayso.

Sidoo kale ayaa Qoddobka 99-aad, xarafkiisa (f) awood u siinayaa xukuumadda in ay u xilsaaran tahay sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha dowladda.

Su’aashu waxay tahay kuwo ku doodaya Farmaajo oo 11 hawlgal ciidan u adeegsaday siyaasiyiin ka aragti duwan oo uu ugu danbeeyey Raysalwsaarihii dalka, amni iyo ciidan ha sii xukumo, miyaa nabad iyo doorasho raba?

Mise dadka ku doodaya in amniga iyo talada ciidanka laga wareejiyo. Dalku wuxuu marayaa marxalad halis ah oo go’aano adag oo geesinimo leh u baahan.


Muqdisho ayaa haatan martigelinaysa shirka golaha wadatashiga qaranka kaasoo diiradda lagu saarayo xal u helida tabashooyinka laga muujiyey doorashooyinka bilowdey iyo amniga coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM

Soomaaliya oo heshay mashruuc ka faa’ideysanayaan 2.5 milyan qof

Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha soo laab-laabtey.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:19AM