Farmaajo oo Abiy ugu hambaleeyay guusha doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha mudo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah wuxuu u diray ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali.

Farmaajo oo qoraalkiisa ku qornaa luuqadda English-ka ayaa sheegay in maamulkiisa waqtiga ka dhamaadey uu kala shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka u dhaxeeya shucuubta labada waddan.

"Waxaan si diirran ugu hambalyeynayaa ra'iisul wasaare AbiyAhmedAli in uu helay muddo xileed awood badan oo kaga timid dadka Itoobiya. Soomaaliya waxay sii wadi doontaa la shaqaynta dowladiisa si loo sii xoojiyo xiriirkeena laba geesoodka ah si ay uga faa'iideystaan shucuuba labada waddan guud ahaan gobolka. Waxaan kuu rajeynayaa guul weyn, Mudane ra'iisul wasaare," ayuu ku qoray Twitter-kiisa.

Xisbiga Abiy ayaa ku guuleystey 410 oo ka mid ah 436 kursta baarlamaanka, sidda gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashada Woubshet Ayele ay kaga dhawaaqay magaalada caasimada ah ee Addis Ababa. Gudoomiyaha Birtukan Mideksa ayaa sheegtay in gudiga uu gaarsiiyay doorasho lagu kalsoonaan karo.

Doorashada ayaa ahayd tijaabadii ugu horeysay ee taageerada cod bixiyaasha ee Abiy, oo balanqaaday isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqaale markii loo magacaabay raiisul wasaare isbahaysiga xukuma 2018.

Xisbiga Barwaaqo Sooranka ee dhawaan uu dhisay Abiy wuxuu la kulmay mucaaradad kala daadsan. Xisbiyada mucaaradka Ezema iyo Dhaqdhaqaaqa Qaranka ee Amxaarada (NAMA) ayaa mid waliba ku guuleystay wax ka yar 10 kursi.

Doorashadan ayaa waxaa si weyn u hareeyay qaadacaadda ka imaaneysa mucaaradka, dagaal ka dhacay waqooyiga gobolka Tigray, rabshado isir ku saleysan iyo caqabado xagga saadka ah oo ka jira meelaha qaar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM