Farmaajo oo ka hadlay qaraxii ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay la beegsadeen Ex-kaantorool Afgooye.

"Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Maanta waa maalin murugo badan oo muujineysa sida argaixisadu ay bartilmaameed uga dhigteen shacabkeenna. Waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoysaska dadkii naga shahiiday, waxaana Alle uga rajaynayaa inuu noo bogsiiyo dhaawaca."

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in goobta ay la beegsadeen argagixisadu qaraxan bahalnimada ah ay muujinayso ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u banneysteen dhiigga muwaadin kasta, iyadoo aan kala sooc lahayn.

Argagixisadu waxay saaka beegsatay arday jaamacadeed oo tacliin u kallahayay, hooyooyin iyo aabbayaal u xoogsanayay carruurtooda iyo dad aan waxba galabsan oo ku mashquulsanaa hawl maalmeedkooda.

"Cadawgan u shaqeeya fulinta hagardaamooyinka argagixisada caalamiga ah waligood hal shay oo horumar ah dalkeenna kuma soo kordhin, jid ma dhisin, isbitaallo ma hirgelin, xarumo waxbarasho ma sameynin. Shaqadoodu waa burburin iyo xasuuq. Shacabka Soomaaliyeed waa ka dharagsan yihiin dhagartooda."

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in awooddeeda oo idil isugu geyso sidii gurmad caafimaad oo degdeg ah loogu fidin lahaa dhaawacyada iyo qoysaska dhibaataysan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda ay dhibaateeyeen cadowgu.

Madaxtooyadda Soomaaliya

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM