Farmaajo oo amray in ilaalada laga qaado madaxweyneyaashii hore

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyey in ilaalada laga qaado hogaamiyeyaasha xafiiska kaga horeeyay, sidda uu ogaadey Garowe Online.

Sidda illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u sheegeen warsidaha GO, ciidamada ayaa la faray in ay dib ugu laabtaan saldhigyadooda.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, sidda ay muujineyso xogta, waxay ku jiraan liiska madaxda ay saameysay arrintaas.

Farmaajo oo mudada xilheynta ay dhamaad ka tahay, ayaa khilaaf xoogan wuxuu kala dhaxeeyaa madaxweyneyaashii hore.

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay xafiiska taliyaha Milatariga Soomaaliya, Odowaa Yuusuf Raage, ayaa lagu amray ciidamada in ay xerooyinka ku laabtaan ugu dambeyn 14-ka Maaj, 2020.

War-saxaafadeedka uu nuqul kamid ah uu helay warsidaha Garowe Online ayaa ujeedka ku macneeyay "joojinta shaqo leexsan".

Warqada ayaa lagu muujiyey in talaabadas ay ogyihiin madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha, ayna ku socoto meelo ay kamid tahay taliyeyaasha iyo kuliyada tababarka.

Xisbiyadda mucaaradka oo aan wali si furan kaga jawaabin arrintaan haatan soo shaac-baxday ayaa mar sii horesay ku eedeeyay dowladda Farmaajo in ay ciidamada u adeegsato "arrimo siyaasadeed".

WARQADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM