Farmaajo oo "baadigoobaya" muddo kororsi laba sano ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaca ka qaadey in madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu xusul-duub ugu jiro "in uu sameysto muddo kororsi laba sano ah".

Hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu wada-hadalo arrintaan ku saabsan kula jiro gudoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

"Marnaba kama aqbali doono isaga [Farmaajo] ama labada aqal in ay xukunka kusii joogaan wax ka baxsan mudda xileedkooda," ayuu hadalkiisa raaciyey, isagoo u muuqanaya mid digniin culus diraya.

Farmaajo, oo la doortay 8-dii Febraayo 2017, waxaa haatan xilheyntiisa kaga harsan 11 bilood, halka baarlamaanka uu waqtiga ka dhamaanayo bisha October, 2020.

Muranka nooca doorashooyinka

Wallow qorshuhu ahaa in doorashooyinka 2020-21 ay noqdaan qof iyo cod, haddana waxaan wali heshiis laga gaarin nooca lagu galayo maadaama shaki la muujinayo in ay noqon karto sidii qorshuhu ahaa.

Sidoo kale, wuxuu muran ka taagan yahay Sharciga Doorashooyinka oo ay meelmariyeen labadda gole, isla markaana horyaala xafiiska Farmaajo, inkastoo looga dhigay in uu qalinka ku duugo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa rajo fiican ka muujiyay in nooca doorashooyinka lagu heshiin doono bilooyinka soo aadan.

"Waxaan rajeynaynaa in nooc doorasho oo lagu heshiiyey isla markaana la dhaqan-gelin karo lagu heli doono muddo sideed bilood ah," ayuu carabka kua dkeeyay.

Wuxuu kusoo xiray: "Haddii kale, waxaan ku qasbanaan doonnaa in aan Dadka Soomaaliyeed u soo bandhigno hanaan doorasho oo kale. Waxaan Ilaahay ka baryeynaa in uusan na gelin xaaladaas".

Beesha Caalamka oo horey u caddeysay in aanan la aqbali karin dib-u-dhac ku yimaada doorashooyinka 2020-21 ayaa ku cadaadineysa dowladda Farmaajo in ay la timaado hanaan loo dhan yahay oo la fulin karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM