Farmaajo oo Baaq farxad-geliyay Eritrea u jeediyay Gollaha Amaanka

Image

ASMARA - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo] oo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaaladda Asmara ayaa ugu baaqay Qaramadda Midoobay in xariyaadaha laga qaado Eritrea.

Farmaajo ayaa sheegay in si shacabka reer Eritrea ay xaq u leeyihiin inay lamid noqdaan shucuubta kale ee caalamka ku nool, kuwaasoo uu tilmaamay inay yihiin dad is-dhaxgal dhinac walba ah la sameeya dunida inteeda kale.

"Si dadka reer Ereteriya ula fal-galaan shucuubta kale ee caalamka, waxaan ku baaqaynaa in xayiraadaha iyo cunqabaynta saaran laga qaado," ayuu Farmaajo sheegay, isagoo saxaafadda kula hadlayay Magaaladda Asmara.

Eritrea cunaqabeynta iyo xariyaadaha waxaa kusoo rogay Gollaha amaanka ee UN-ka sanadkii 2009-kii, markaasoo lagu eedeeyay inay taageerto kooxaha ka dagaalama Soomaaliya oo ay ugu horeyso Al-Shabaab, inkastoo ay beenisay Asmara.

Waxaa la rumeysan yahay in talaabooyinka lagu go'doomiyay Eritrea ay gadaal ka riixaysay Eithiopia, oo xurguf ay kala dhaxeysay, laakiin xiriirka labadda dal oo soo laabtay bishan ayaa keentay in Abiy Axmed uu ku baaqo in laga qaado xayiraada.

Hadalka Farmaajo ee ah in cunaqabeynta laga qaado Eritrea ayaa loo arkaa inuu yahay ujeedada ugu wayn oo uu Madaxwayne Isaias Afwerki u casuumay Asmara, maadaama isbedal uu ku yimid siyaasada Geeska Afrika.

Inta uu ku guda jiray shirkiisa jaraa'id ayaa Farmaajo arrimaha uu ka hadlay waxaa kamid ah xiriirka diblumaasiyadeed ee dib boorka looga jafay ee Eithiopia iyo Eritrea, wuxuuna tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay si wayn usoo dhawayneyso.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu dul-maray qodobadda ay kawada hadleen isaga iyo Afwerki, oo uu tilmaamay inay ahaayeen qodobada mirra dhal ah, wuxuuna rajeeyay inay kawada shaqayn doonan isku soo dhawaanshaha labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay inay dib usoo celiyaan xiriirka diblomaasiyasadeed ee labada wadan, iyagoo dib u furanaya safaaradahooda Muqdisho iyo Asmara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM