Farmaajo oo baqdin muujiyey kahor shirka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo ayaa baqdin ka muujiyey isbedel lagu sameeyo heshiiska 17-ka September kahor shirka golaha wadatashiga qaranka.

"Wax kasta waxaa fiican in xaqiiqada laga sheego. Doorasho dadban ayadda ayaaba muran ku dhisan. Marka in is-qanciyo iyo in la wadatashado in ay wax noogu hagaagi karaan," ayuu yiri.

Farmaajo ayaa hadaladan wuxuu ka sheegay munaasabadda xuska ciidamadda booliska Soomaaliyeed oo maanta lagu qabtey xarunta bileyska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho

"Heshiiska 17-kii September waa sharci. Meel buu yaalaa. Anigana waan saxiixay. Waxaan rajeynayaa in aan wax laga bedelin oo sidiisa loogu sii socdo oo waxyaabaha qaldan in laga saxo. Laakiin, mabaadi'da uu ku dhisan yahay waa in aan wax laga bedelin," ayuu hoosta ka xariiqay.

Hay’adaha amniga ayuu faray dardargelinta howlgallada lagu sugayo amniga dalka, gaar ahaan waqtiga doorashada, isaga oo tilmaamay halista maandooriyaha ku soo kordhay dalkeenna oo Ciidamada Boolisku ay haatan kula jiraan dagaal adag.

"Qof kasta oo Soomaaliyeed waxaa uu markhaati ka yahay isbeddelka iyo dib-u-dhiska xooggan ee aan ku sameynay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kordhiyey tiro iyo tayo ahaanba, taas oo wax weyn ka beddeshay amniga dalka iyo wada shaqeynta kala dhaxaysa shacabka," ayuu xusay.

Salaan sharaf ayuu kadib ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhoolla-tus Ciidan, waxa uuna  Alle uga baryey dhammaan halyeeyadii naftooda u huray ilaalinta amniga iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Shirka golaha wadatashiga qaranka ayaa lagu waddaa in uu Muqdisho ka bilowdo 27-da December kana soo qeybgalaan madaxda maamuladda wallow la rumeysan yahay in Villa Soomaaliya ay kasoo horjeedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM