Farmaajo oo loo diray digniin ku aadan doorashada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calaamadeystay laba maamul goboleed oo uu rabo in uu ka bilaabo boobka doorashada, sidda uu sheegay murashax.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ahna murashax madaxweyne doorashooyinka 2020-21, ayaa ugu baaqay Farmaajo in uu ka tanaasulo fekerkaas ogolaadana doorasho daahufuran.

Madaxda Puntland iyo Jubaland ayuu ku booriyey go'aanka ay ku codsadeen in xal waara laga gaaro qadiyadaha la isku hayo kahor doorashooyinka soo aadan.

Qoraal uu Facebook kusoo qoray ayuu hogaanka Galmudug iyo HirShabelle ugu yeeray in ay ku qanciyaan Farmaajo in uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

"Madaxweyne Farmaajo wuxuu doonayaa in uu doorashooyinka boobo taasoo dalka u horseedaysa burbur iyo kalatag. Boobkaas wuxuu doonayaa in uu ku billaabo Galmudug iyo Hirhabeelle. Murashaxiinta xilka Madaxweynaha oo intoo badan dad ka soo jeeda labadda deegaan , waxay ku qasban yihiin in ay boobka hor istaagaan," ayuu ka dhawaajiyey.

Warsame ayaa tilmaamay: "Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland waxay ku doodayaan in Madaxweyne Farmaajo uu qabto doorasho la isla ogol yahay. Runtii way guteen waajibkii diiniga ahaa ee farayey walaalkaa u hiilli oo hadduu gardaran yahay gacanta qabo".

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa ku daray: "Raysalwasaaraha Dawladda Federaalka ah iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle haddii ay xeeriyaan danta Soomaaliyeed, iyo tan degaannada iyo dadka ay matalaan, kulana dhiirradaan Madaxweyne Farmaajo inuu doorashada dhexda dhigo, waa guul dalka uu ku badbaadayo, dadkooda iyo Soomalina ay sharaf kaga heli doonaan haddiise - iyagoo dano u gaar ah eeganaya - ay boobka ku hor kacaan, waxay sharaf dhac usoo jiidi doonaan naftooda, waxay iska hor keenayaan madaxweynaha iyo dadka ay siyaasadda ku matalaan, mas'uuliyadda burburka ka dhasha isku dayga boobka doorashadana qayb wayn ayey ku yeelan doonaan".

"Maanta gacantooda ayuu dalku ku badbaadi karaa ama ku burburi karaa," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Doorashooyinka 2020-21 ayaa laga cabsi qabaa in ay waqtigooda ku qabsoomi waayaan. Caqabadaha waaweyn ee horyaala waxay kala yihiin guddiyadda oo Villa Soomaaliya faragelisay si lamid ah arrinta Somaliland iyo gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM