Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu casuumay dalka Kenya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay wafdiga Dowladda Kenya ee soo gaaray dalka muhiimadda ay leedahay ka miro-dhalinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, isagoona rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo isweydaarsiga aragtida guud ee xiriirka labo geesoodka ah, iyada oo la xaqiijinayo xasilloonida iyo danaha wadajirka ah ee heer Gobol.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha kulankan waxaa ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Villa Soomaaliya

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka laabatay waarankii soo qabashadda Ahmed Madoobe

Kulankani ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta wadahadalka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    29-01-2026

  • 12:56PM

Soomaaliya: Gollaha Wasiiradda oo ansixiyay Go'aan kasoo baxay Xasan Sheekh

Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Axdiga Dhisidda Hey’adaha Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta.

  • Soomaliya

    29-01-2026

  • 11:55AM