Farmaajo oo booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka dagay magaalada Nairobi, ee xarunta dalka Kenya, iyadoo safarkiisana uu yahay mid aan horey loo shaacin.

Wali Villa Soomaaliya ma aysan shaacin ujeedka booqashada Farmaajo ee Kenya, balse warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegay inay ku qotanto muran ka taagan derbiga xuduuda iyo kuwa kale oo xiriirka labad dal khuseeya.

Booqashan oo noqonaysaa tii labaad oo Madaxweynaha uu ku tago Kenya tan iyo markii la doortey ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli Nairobi ay ku sugan yihiin qaar kamid ah Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo DFS khilaaf siysaadeed kala dhaxeeya.

Xildhibaano, Wasiirro iyo mas'uuliyiin kale ayaa ku wheliya Madaxweynaha safarkiisa Nairobi, waxaana lagu wadaa inay la kulmaan Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Kenya ayaa kamid ah dalalka gobolka ee sida tooska ah ugu lugta leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana ka jooga Ciidamo badan oo qeyb ka ah AMISOM, kuwaasi oo ka howlgala Jubbooyinka iyo Gedo.

Labada dal waxaa hadda ka dhaxeeya muran xooggan oo dhinac xuduuda badda ah, kaasi oo loo gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda [ICJ], oo la filayo in go'aan ka gaarto kiiskooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM