Farmaajo oo booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Turkiga, lana kulmay Erdogan

Image

ISTANBUL, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagey Turkiga isagoo la kulmay dhigiisa dalkaasi Recep Tayyip Erdogan.

Labada Madaxweyne ayaa waxa uu kulankooda ka dhacay maanta oo Jimco ah [23-ka November] magaalada Istanbul, iyagoo kawada hadlay arrimo dhowr ah, oo ku qotomo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga.

"Waxay ii ahayd farxad inaan la kulmo Madaxweyne Erdogan maanta [Jicmo], waxaan kawada hadalnay sii xoojinta xiriirka laba geesoodkaa iyadoo loo marayo iskaashi dhinac walba faa'ido ugu jirto," ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Farmaajo.

Farmaajo ayaa intaasi ku daray in Turkiga uu yahay saaxibo qiimo badan ugu fadhiya horumarka Soomaaliya, maadaama ay siiso dowladda Federaalka taageero dhaqaale oo toos ah, islamarkaana u tababarto ciidamadeeda kale duwan.

Booqashada Farmaajo ee Turkiga ayaa timid kadib markii uu soo gaba-gabeeyay safar labo maalmood qaatey oo uu ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo ay wehliyeen xubno badan oo qaarkooda xafiiskiisa katirsan.

Turkiga oo kamid ah dalalkii taageey Qadar markii Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar xiriirka u jareen June 2017, ayaa saldhig weyn oo militeri ku leh Muqdisho, halkaasi oo ciidamo ay ka joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM