Farmaajo oo ka degay Eritrea kadib socdaalkiisa Suudaanta Koonfureed

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wuxuu gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo "si diirran loogu soo dhaweeyey".

Dhigiisa Isaias Afwerki ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay Farmaajo iyo wafdigiisa ee gaarey maanta Asmara, waxayna qaadan doonaa safarkii shaqo mudo labo maalmood ah, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale horumarka gobolka iyo isbeddellada dhacaya. Farmaajo & wefdigiisa ayaa sidoo kale booqan doona goobo iyo mashaariic horumarineed ka socoto.

"Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

"Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal," ayay ku dartay.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalkeennu uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku".

Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa iska wada mashruuc is-dhexgal loogu abuurayo Geeska qaarada Afrika iyo yagleelida urur goboleed aan ahayn IGAD kaasoo dhowaan uu muran hareeyay hanaanka awood qeybsiga hogaamintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM