Farmaajo oo ka degay Eritrea kadib socdaalkiisa Suudaanta Koonfureed

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wuxuu gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo "si diirran loogu soo dhaweeyey".

Dhigiisa Isaias Afwerki ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay Farmaajo iyo wafdigiisa ee gaarey maanta Asmara, waxayna qaadan doonaa safarkii shaqo mudo labo maalmood ah, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale horumarka gobolka iyo isbeddellada dhacaya. Farmaajo & wefdigiisa ayaa sidoo kale booqan doona goobo iyo mashaariic horumarineed ka socoto.

"Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa qaabilaad iyo soo dhaweyn diirran ugu sameeyey Garoonka Diyaaradaha ee Asmara Madaxweynaha dalkaas Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Ereteriya," ayay tiri Villa Soomaaliya.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Labada Madaxweyne ayaa ka wadahadlaya hannaanka kor loogu qaadi karo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee labada dal, si loo dardargeliyo qorsheyaasha ku qotoma ganacsiga, maalgashiga iyo isku xirnaanta bulshada Gobolka.

"Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa muujiyey dareenkiisa farxadeed ee booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadani ay qeyb ka tahay dadaallada wadajirka ah ee labada dowladood ay ku bixinayaan kor u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga oo mudnaan u leh labada dal," ayay ku dartay.

Bayaanka ayaa lagu soo xiray: "Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta xiriirka iskaashi iyo dhaqaale ee dalalka gobolka, taas oo xoojineysa in dalkeennu uu door muhiim ah ka qaato geeddi socodka horumarineed ee ay hiigsanayaan dalalka gobolku".

Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa iska wada mashruuc is-dhexgal loogu abuurayo Geeska qaarada Afrika iyo yagleelida urur goboleed aan ahayn IGAD kaasoo dhowaan uu muran hareeyay hanaanka awood qeybsiga hogaamintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo diidey joojinta isticmaalka TikTok

Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adeegsigiisa bartan waxay sababtay in loogu yeero "Mr TikTok".

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 06:15AM

Madaxwayne Xasan Sheekh oo Nairobi uga qayb-lgalaya shir caalami ah

Shirkan ayaa soo qaban qaabisay Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (IDA) ee hoostagta Bangiga Adduunka.

  • Soomaliya

    29-04-2024

  • 04:50AM