Farmaajo oo cambaareeyay weerarkii is-qarxinta ahaa ee Kismaayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey qarixii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey Ganacsatada Soomaaliyeed geerida Xoghayihii Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Alle ha u naxariistee, Shaafi Raabi Kaahin oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxan, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ku lahaa isku xirnaanta ganacsatadeenna Soomaaliyeed iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan haldoorkeenna iyo guud ahaan dadkeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ay ka soo gaareen qaraxan bahalnimada ah in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM