Farmaajo oo casuumay madaxda Maamuladda [Akhri Ujeedka]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Maxamed Farmaajo ayaa hogaamiyaasha maamulada dalka ku marti qaaday shirka Golaha Amniga Qaranka, sida uu ogaaday Garowe Online.

Shirkaan oo ka dhacaya magaaladda caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa la qorsheeyay in uu qabsoomo inta u dhaxeysa 19-ka illaa iyo 23-da bishaan April sanadka 2019-ka.

Sida laga laga soo xigtay illo ku dhow xafiiska Farmaajo, qodobada diirada lagu saarayo shirka waxaa kamid ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish iyo amniga dalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale isu imaatinka lagu soo qaadi doono sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka dowlada federaalka ah iyo maamulada xubnaha ah.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa hakad ku jiray tan markii uu xumaaday xiriirka maamulada qaar iyo Villa Soomaaliya oo ay isku maan-dhaafeen amniga iyo isku dhafka ciidanka.

Casuumaada uu Farmaajo u fidiyay madaxwaynayaasha dowlad goboleedyada ayaa imaanaysa iyada oo dhowaan ay heshiis ku gaareen Muqdisho xukuumada iyo maamulka Axmed Madoobe.

Sidda uu fahansan yahay mareega GO, qodobada ay isla meel-dhigeen dhinacyada waxaan qayb ka ahayd in dib loo bilaabo Shirka Golaha Amniga Qaranka, kaasi oo ah madal lagu abaabulo gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Arrimahaan ayaa imaanaya iyada oo xaalada amaan ee wadanka gaar ahaan Muqdisho ay tahay mid aanan si buuxda ugu jirin gacanta dowlada ayna ka dhacayaan qaraxyo iyo dilal.

Qabashada shirkaan ayaa si lamid ah kusoo aadaya iyada oo ciidamada xooga qaarkood ay ka cabanayaa mushahar la'aan haysata mudo dhowr bilood taasoo keentay in ay soo faarujiyaan aagaga difaaca.

Dowlada Farmaajo oo uu mudada xileedka uga harsan yahay labo sano oo ay bilooyin raacaan kana bixi wayday balanqaadyadii dhanka amniga ayaa u muuqataa mid ku dadaalaysa in ay fuliso kahor inta uusan waqtigu ka idlaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM