Cumar Filish oo loo magacaabay gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Cumar Maxamuud Maxamed [Filish].

Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka in uu sii dhammeystiro qorshayaashii horumarineed iyo waxqabadkii muuqday ee Guddoomiyihii hore, Alle ha u naxariistee, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng.Yarisow].

“Anigoo xeerinaya baahida loo qabo in guddoomiye uu yeesho Maamulka Gobolka Banaadir, si loo sii amba qaado qorsheyaashii horumarineed ee socday, sidoo kalena tixgelinaya soo jeedinta kala duwan iyo waayo-aragnimada uu Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) uu u leeyahay gudashada waajibadka xilkan ayaan ugu magacaabay.”

Farmaajo ayaa u rajeeyay Filish in uu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeego bulshadeenna.

Marxuum Yariisow ayaa bishii hore u dhintay dhaawac kasoo gaarey weerar ay Al-Shabaab ku qaadey xarunta gobolka Banaadir, halkaasi oo mas'uuliyiin kale lagu khaarijiyey.

Sidda ay sheegeen laamaha amniga, weerar kamid ahayd shaqaalaha gobolka ayaa fulisay is-miidaaminta oo ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta gobolka Banaadir.

Magacaabidan ayaa waxay kusoo beegmeysaa iyadda oo isbedel lagu sameeyay taliyeyaasha Ciidamadda Qalabka, kuwaasi oo loo magacaabay hogaan cusub. [Halkan ka akhriso]

Cali Filish, marka dib loo eego taariikhdiisa, ayaa waxa uu soo noqday Xildhibaan si lamid ah waxa uu kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii waddanka soo maray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM