Farmaajo oo dalacsiiyay taliyaha Booliska Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu Hal darajo dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed [Ameeriko].

Dalacsiintaan ayuu Farmaajo ku dhawaaqay kadib markii uu maanta oo Khamiis ah uu kaga qeybgalay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, Kulanka loogu magac daray "Xoogagga Wadaniyiinta Soomaaliyeed" kaasoo ka dhacay xarunta Booliska.

Kulankaan oo si wayn loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socotay madaxtooyadda, xukuumadda, gobolka Banaadir, Xilldhibaano iyo dadwayne tirro badan oo lagu casuumay.

Farmaajo ayaa wuxuu ugu horeyn ugu hambalyeeyay Taliye Ameeriko halka Darajo ee uu dalacsiiyay, wuxuuna tilmaamay inuu ku muteystay kadib wax-qabad muuqda oo uu tilmaamay inuu ku sameeyay Booliska Soomaaliyeed.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inuu halkiisa kasii waddo Taliyaha howlaha ka duwan ee uu ku bixinayo dhisitaanka ciidamadda Booliska Soomaaliyeed, kaasoo tan iyo burburkii dalka aanan lahayn tayadii looga baahnaa.

Bishii Fabuary ee 2018 ayay ahayd markii Taliye Ameeriko loo magacaabay Taliska ciidamadda Booliska Soomaaliya, isagoo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay la tilmaamay inuu ku yimid isbedalo waa weyn ku sameeyay Booliska dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM