Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Image
Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dooxa (GO) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, kaddib toddobaadyo uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ayaa bulshada la wadaagay aragtidiisa ku aadan hanaanka wax ka bedelka Dastuurka ay wadaan Baarlamaanka Federaalka, isagoo sheegay in gabi ahaan uu diidan yahay hanaanka loo marayo.

Hanaankan oo uu taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa si weyn u dhaliilay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda, oo uu ku jiro Farmaajo.

Waxaa uu ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Garoowe ee Dowladda Puntland, waxaana looga hadlay kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ku aadan dastuurka iyo xaaladda guud ee dalka.

Farmaajo ayaa dhowr jeer ka soo muuqday garabka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, iyaga oo si wadajir ah uga soo horjeestay qorshaha Villa Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka biyo diidsan qaabka loo maray dhameystirka Dastuurka oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, waxaana ayna ku sheegeen in la qorayo dastuur cusub oo aan la isku raacsaneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM