Farmaajo oo dib ugu laabtay Caasimadda Qatar ee Dooxa

Image
Madaxweynihii hore ayaa toddobaadyo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Dooxa (GO) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib ugu laabtay magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, kaddib toddobaadyo uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ayaa bulshada la wadaagay aragtidiisa ku aadan hanaanka wax ka bedelka Dastuurka ay wadaan Baarlamaanka Federaalka, isagoo sheegay in gabi ahaan uu diidan yahay hanaanka loo marayo.

Hanaankan oo uu taageeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa si weyn u dhaliilay Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Dowladda, oo uu ku jiro Farmaajo.

Waxaa uu ka qeyb galay shirkii ka dhacay magaalada Garoowe ee Dowladda Puntland, waxaana looga hadlay kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ku aadan dastuurka iyo xaaladda guud ee dalka.

Farmaajo ayaa dhowr jeer ka soo muuqday garabka madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, iyaga oo si wadajir ah uga soo horjeestay qorshaha Villa Soomaaliya.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka biyo diidsan qaabka loo maray dhameystirka Dastuurka oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, waxaana ayna ku sheegeen in la qorayo dastuur cusub oo aan la isku raacsaneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM