Farmaajo oo eryay gudoomiye ku xigeeno ka tirsanaa gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer uu soo saaray ku magacaabay Axmed Xasan Iimaan inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, halka Cumar Cali Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Guddoomiye K/Xigeenka Gobolka Banaadir ee Hawlaha Guud.

"Madaxweynaha ayaa markii uu arkay in ay jirto baahi loo qabo in loo magacaabo Gobolka Banaadir K/xigeennada Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda iyo Hawlaha Guud. Markii uu tixgeliyay khibradda shaqo ee ay mudanayaashan xilkan loo magacaabayo u leeyihiin howlaha loo magacaabay waxa uu soo saaray xeerkan."

Farmaajo ayaa u rajeeyay Iimaan iyo Cumar Cali inuu Eebbe u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan hawlaha baaxadda leh ee horyaalla.

"Waxaa la baabi'iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay oo ka hor imaanaya magacaabistan cusub, wuxuuna dhaqangalayaa maanta oo ah Axad, taariikhduna ay ku beegantahay 26ka Abriil, 2020," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Cumar Cali ayaa xafiiska kala wareegaya Aadan Sheekh Cali Fiidow. Ma cadda sababta keentay in xilka laga qaado mas'uuliyiinta.

Mr Iimaan ayaa wuxuu bedelayaa Ibraahim Mahad-Alle, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in uusan bixin mushaharka ilaalada gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Illo wareedyo xog-ogaal ah ayaa soo jeedinaya in shirkii u dambeeyay oo ay yeesheen gudoomiyeyaasha gobolka iyo maamulkooda ay dood kulul oo arrintaas ku saabsan ay dhexmartay.

Warbixinada ayaa soo jeedinaya in gudoomiyaha gobolka ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud [Cumar Filish] uu fursad u siiyey gudoomiyeyaasha in ay la xisaabtamaan Mahad-Alle.

Bishii May ee sanadkii lasoo dhaafay 2019 ayay ahayd markii Mahad-Alle loo magacaabay jagada Guddoomiye K/Xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Banaadir. Waqtigaas wuxuu bedelay Xuseen Maxamed Nuur, oo shaqadiisa ku waayey culeys siyaasadeed oo Villa Soomaaliya kala kulantay siyaasiyiinta metela gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM