Farmaajo oo fariin tacsi ah u diray madaxweynaha Jabuuti

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhambaal u diray Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, ayaa uga tacsiyeyay geerida ku timid, Alle ha u naxariistee marxuum Sacad Cumar Geelle.

“Waxa na soo gaaray warka naxdinta leh ee dhimashada marxuumka oo la dhashay walaalkey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle," ayuu yiri Farmaajo sida laga soo xigtay qoraal xafiiskiisa kasoo baxay.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Waxaan Dowladda, qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ee aan walaalaha nahay u dirayaa tacsi tiiraanyo leh".

Farmaajo ayaa marxuum Sacad Cumar Geelle Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaalmariyo jannooyinkiisa, isaga oo qoyskiisa iyo guud ahaan shacabka reer Jabuuti u rajeeyay samir iyo iimaan.

Dhinaca kale, maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa ee Somaliland gaar ahaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray eheladda iyo qaraabada uu ka baxay marxuumka oo la aasay.

Dowladda Puntland ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay murugada iyo tiiraanyada la wadaageyso dhamaan shacabka Jabuuti gaar ahaan madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Saciid Cabdullaahi Deni, hogaamiyaha maamulka Garowe, ayaa xusay in uu rajeynayo in EBBE uu marxuumka u fufudeeyo su'aallaha qabriga kuna abaalmariyo Janatul Firdowsa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM