​Farmaajo oo fariin u diray dalalka Carabta

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha cusub Somalia, ayaa codsi ku aadan xaaladda Somalia u diray waddamada ku midoobay ururka Jaamacadda Carabta xilli uu magaalada Muqdishu kula kulmay safiirrada dalalkaasi u fadhiya Somalia.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulankaas ku guddoomay dhambaallo hambalyo ah oo ay mas'uuliyiintaas ka sideen madaxda dalalkooda, wuxuuna intaas kadib kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka iyo sidii looga caawin lahaa 5 arrimood oo amnigu ku jiro.

Mudane Farmaajo, ayaa codsaday in dowladdiisa gacanta lagasiiyo;

Abaaraha ka jira Somalia isagoo dalbaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka dhibaataysan

In amniga laga caawiyo si dalka loogu soo dabaalo kala dambayn iyo xasilooni waarta

In maalgashi lagu sameeyo dalka isagoo amar ku bixiyay in safirrada jooga looga baahanayhay sidii ay uga shaqayn lahaayeen in shirkado carbeed maalgashi ku sameeyaan Somalia

In la taageero qorshaha dib u hishiisiinta qaranka Somalia

In dowladaha Carabta ay matalaan Somalia meel kasta oo ay joogaan islamarkaana xaqeeda iyo mudnaanteeda meel saaraan.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii wadashaqayn qoto dheer u dhex-mari lahayd dowladda Somalia iyo dalalka Carabta maadama Somalia ku jirto ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambayn uga mahadceliyay safiirrada iyo danjirayaasha shirkaas joogay siday uga soo qayb galeen kulankaas oo ka dhacay hotel Jazeera oo Madaxweynuhu si KMG ah ugu sii shaqaynayo maadaama aysan dhicin wali xil-wareejintii uu samayn lahaa  Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM