Farmaajo oo furay Shirka Wadatashiga Dowlada iyo Maamulada ee Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka Wada-tashiga Dowlada dhexe iyo Dawladdaha Xubnaha ka ah ayaa maanta oo Axad ah ka furmay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Caasimadda Garoowe.

Kulankaan oo ay martigelisay dowlada Puntland isla markaana maalmo aan la cayimin socon doona ayaa waxaa si rasmi ah daaha uga rogay madaxweyne Farmaajo.

Isu imaatinka ayaa waxaa qayb ka ah; Ra'iisul Wasaare Khayre, madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, hogaamiyeyaasha, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaala madaxda dalka ee Muqdisho, Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sidoo kale ka qaybgalaya kulankani.

Shirkani ayaa gundhiggiisu waxaa la sheegay in ay tahay wadatashi ay dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadda xubnaha ah la yeeshaan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka.

Qodobada ay sidda gaarka ah uga wadaxaajoon doonaan madaxda waxaa kamida; amniga, doorashooyinka 2020-ka iyo dib u eegista dastuurka oo hanaanka loo wado la dhaliilay.

Waa markii labaad oo ay madaxda ku kulmaan Garowe muddo sanad gudaheeda ah xili markii koowaad ay isku arkeen caleema saarkii Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM