Farmaajo oo garoonka Aadan Cadde kula shiray wafdi Ameerikaan ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan lataliyeyaasha ammaanka iyo doorashooyinka ayaa garoonka Muqdisho kula kulmay mas'uuliyiin ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo AFRICOM.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in saraakiil kale oo ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ay qeyb ka ahaayeen kulanka.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo dhinacyadda kasoo saareen shirkooda. Xiriiro uu la sameeyay warsidaha Garowe Online kama jawaabin.

Kulankaan ayaa kusoo hagaagaya saacado kadib markii Washington ay calan casaan ah u taagtay musuqmaasuqa iyo nin jecleysiga wadanka.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in musuqmaasuqa iyo nin jecleysiga uu hagal-daacinayo in masiirka nabad-gelyada Soomaaliya ay noqoto mid la isku haleeyo.

Sidda laga soo xigtay qoraalka safaaradda, dadka Soomaalida waxay u qalmaan in ay helaan hay'addo ammaan oo aan u jilcaneyn cadowgooda.

"Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya waxay taageereysaa dib u habeynta hay'addaha ammaanka taasoo mustaqbal ifaya u horseedeysa Soomaaliya iyo Soomaalida. Musuqmaasuqa iyo nin-jecleysiga wuxuu carqaladeynayaa horumarka dib u habeynta, wuxuuna wiiqayaa ammaanka dadka Soomaaliyeed, wuxuuna xoojinayaa awooda cadowga Soomaaliya," ayay tiri.

Hase ahaatee, safaaradda waxay ku guuldareystay in ay soo bandhigtay dhacdooyinka ay qoonsatay ee talaabooyinkan lagu saleeyay.

Walaacaan ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay uu Taliska Ciidamada Milatariga ka dhex-socday shaqo ka eryid, ruqseyn, dalacsiin iyo belelaad "dhamaantooda ku saleysan dano siyaasadeed oo shakhsi ah".

Warar aan la xaqiijin ayaa ku waramaya in shirka ka dhacaya madaarka Aadan Cadde diirada lagu saarey xal u helida arrimahaas, qabsoomida doorasho ku dhacda si nabad ah iyo la dagaalanka maleeyshiyaadka Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa kamida dalalka Soomaaliya ka caawiya la dirirka argagixisada, dhismaha dowladnimada, kobaca dhaqaale iyo arrimaha bini'aadanimada, balse wuxuu ka gaabiyey in uu madaxda kula xisaabtamo dhaqaalahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM