Farmaajo oo hakiyay Kulankii Baarlamaanka [Mooshinka oo Waqtigiisa dhacay]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hakiyay kulankii maanta ee Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka, kaasi oo laga baqayay in qalalaase uu ka dhaco.

Baaqashada ayaa timid kadib codsi ka yimid Madaxweynaha, oo wararka Warsidaha Garowe Online helayo ay sheegayaan in cadaadis uga yimid dhanka Beesha Caalamka oo ka dalbaday in uu soo farageliyo Khilaafka Xildhbaanada Gollaha Shacabka.

Farmaajo ayaa xalay saqdii dhexe kulan gaar ah la yeeshay Gudoomiyaha Gollaha shacabka Maxamed Cismaan Jawaari, labadiisa ku xigeen iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kulankaasi oo lagu go'aamiyay baaqashada Kulanka maanta.

Madaxweynaha ayaa billaabey dhex-dhexaadin soo daahday, kadib markii Aqalka Sare Gudigii uu u xil-saarey xalinta Khilaafka ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen waan-waantii ay ka wadeen Khilaafka Siyaasadeed ee Gollaha Shacabka.

Baaqashada Kulanka ayaa waxaa la filayaa in wadahadal lagu xaliyo muranka taagan iyadoo wararku sheegayaan in dhinaca sharciyada la aadi doono hadii mooshinka la horgrynayo aqalka hoose ee Barlamanka.

Waxaa tan iyo shalay ka jirtay Muqdisho cabsi, iyadoo wadooyinka magaalada intooda badan la xiray oo Ciidamo lagu daadiyay, taasina loo sameeyay in laga hortago in Xildhibaanada taageersan Jawaari ay hub la galaan xarunta Gollaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM