Farmaajo oo isku diyaarinaya Safar kale oo Dibada ah [Dalka uu booqanayo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cadullaahi Farmaajo ayaa isku diyaarinaya socdaal kale oo dibadda ah, xili uu maalin kahor kasoo laabtay booqasho saddex maalmood qaadatey oo uu ku tagey wadanka Eritrea.

Safarkan ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu ugu ambabaxo maalmaha soo aadan dalka Suudaan, sida laga soo xigtay Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdiqaadir Maclin Nuur, oo la hadlay warbaahinta Suudaan.

Wafdi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagi doona magaalada Khartoum, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhigiisa Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir, oo ay kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyagoo kala saxiixan doona heshiisyo cusub.

Tani ayaa noqonaysa booqashadii labaad oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tago dalka Suudaan tan iyo markii uu xilka Madaxweyne-nimo loo doortay 8-dii Febuary, 2017-kii. Bishii October ee sanadkii 2017-ka ayuu Farmaajo booqday Suudaan.

Villa Soomaaliya wali fahfaahin kama bixin socdaalka Farmaajo ee Suudaan oo kamid ah dalalka carbeed ee dhinacyada amniga iyo waxbarashada ka taageera Soomaaliya, iyadoo labada wadan uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM