Farmaajo oo ka dhaga-fureystay walaaca iyo dalabyadda murashaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaadka yahay Farmaajo ayaa ka dhaga-fureystay baaqyada murashaxiinta iyo daneeyeyaasha kale ee ku aadan cabashadda ka taagan doorashooyinka 2020-21.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la isaga indha-tiray dhamaan is-qabqabsiyadda ka taagan guddiyadda doorashooyinka iyo dalabyadda in gabi ahaanba la kala diro xubnaha la duray.

"Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyay dadaalka ballaaran ee ay gelisay arrimaha doorashada iyo fulinta doorkii Dowladda Federaalka Soomaaliya kaga aaddanaa heshiiskii ay gaareen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka kaasi oo ay si wadajir ah u ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed 26-kii Sibteembar, 2020," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Madaxweyne Farmaajo ayaa adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay qabashada doorasho hufan oo ku salaysan habraacyadii lagu heshiiyay isaga oo u mahadceliyay Dowlad Goboleedyada fuliyay qaybtii kaga aaddanayd heshiiska doorashada, iyaga oo soo dhammaystiray xubnihii ay ku lahaayeen guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee hirgelinta doorashooyinka".

Farmaajo ayaa laga soo xigtey: Waxa naga go’an in si buuxda loo fuliyo heshiiskii doorashada iyada oo laga fogaanayo dib-u-dhac ku yimaadda xilliga doorashada. Sidaas darteed, waxa aan Dowlad Goboleedyada aan weli soo dhammaystirin xubnaha ay ku leeyihiin guddiyada hirgelinta doorashooyinka ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan sidii looga dhabayn lahaa qodobbadii iyo hab-raacyadii lagu heshiiyay, aniga oo rajaynaya inay sida ugu dakhsaha badan u soo magacaabi doonaan qaybta ku hartay".

"Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhiirrigeliyay inay sii laba-jibaarto dadaalka ay ugu jirto sidii dalka loogu diyaarin lahaa jawi doorasho oo xasilloon," ayaa lagu soo xiray.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo hagaagaya xilli Midowga Murashaxiinta magacaabay guddi, halka guddiyadii xukuumadda dhistey ay doorteen guddoon. Tani waxay xoojineysaa cabsida in doorashooyin is-diidan dhacaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM