Farmaajo oo ka hadlay geerida ra'iisul wasaarihii dalka Ivory Coast

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dowlada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ka tacsiyeeyay geerida ra'iisul wasaarihii Ivory Coast, Amadou Gon Coulibaly oo shalay dhintay.

Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa shaaca ka qaadey in uu murugada la wadaagayo dadka iyo dowladda si gaar ah madaxweynaha dalkaas, Alassane Ouattara.

"Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo keyga, waxaan tacsi tiiraanyo leh oo la xiriirta dhimashadda ra'iisul wasaare Amadou Gon Coulibaly aan u dirayaa shacabka iyo dowladda wanaagsan ee Ivory Coast. Murugada waan kula wadaageynaa madaxweyne Alassane Ouattara," ayaa lagu yiri qoraalka kooban. "Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun".

Amadou Gon Coulibaly oo ahaa 61-sano jir ayaa xanuun kusoo boodey isagoo shir gudoominaya kulanka Golaha Wasiiradda waddankaas, waxaana loola cararay Isbitaal uu ku geeriyooday.

Coulibaly ayaa 2-dii bishan July kasoo laabtay socdaal caafimaad oo uu u aadey Faransiiska. Xanuun wadnaha ayaa laga daaweeyay. Horey laba jeer, waxaa looga waayey safmareenka faafa ee Covid-19.

Madaxtooyadda ayaa sheegtay in dalka uu galayo baroor-diiq, waxayna tacsi u dirtay ehelkiisa, iyadoo xustay in Aas Qaran loo sameynayo.

Xilli uu February 10, 1959 ku dhashay isla magaalada uu ku dhintay Abidjan, Coulibaly ayaa xilka ra'iisul wasaaraha hayey tan iyo 2017, waxaana shahaadada PHD-ga uu ka haystay cilmiga dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM