Farmaajo oo ka hadlay Khilaafka labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Madaxwanaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay markii ugu horeysay khilaaka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo salka ku hayo mawduucyo kala duwan oo xasaasi ah.

Arrimaha illaa iyo haatan la ogyahay ayaa waxaa kamid ah; meel-marinta Miisaaniyada dowladda ee labadii sano ee lasoo dhaafay, ka qaybgalka shirarka caalamka iyo Hindisa sharciyeedyada arrimaha dibadda.

War qoraal ah oo uu soo saarey Gudoonka Aqalka Sare bishii hore, loona gudbiyay Madaxda dalka – Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha – ayay ku shaaciyeen inay xiriirka ujareen Aqalka Hoose ee dalka.

Farmaajo oo xalay Muqdisho kaga qaybgalay munsaabad ku saabsan soo xiritaanka Kal-fadhiga 4aad ee Gollaha Shacabka ayaa shaaciyay in khilaafka soo oo bilowday bilowga sanadkii hore 2018.

"Waxaanu rabnay in Fadhi wadajir ah ay yeeshaan labada Golle oo ay aan aniga ka jeediyo khudbad [Furitaanka Kal-fadhigii 4aad], balse, daqiiqadihii ugu dambeeyay, habeenkii, ayay nagu yiraahdeen – meel lama fadhiisaneyno Gollaha Shacabka," ayuu Madaxwaynuhu yiri.

Dadaalo badan oo uu sameeyay, kuwaasi oo layskugu soo dhaweeyay ayuu xusay Madaxwaynuhu inay guuldareysteen, oo ay kamid tahay inuu miiska wadahadal isugu keeno labadda Afhayeen.

Madaxwaynaha ayaa balanqaaday inay ka shaqayn doonan sidii loosoo afjari lahaa khilaafkaan. "Barnaamijka ugu horeeya oo aan qaban doono sanadkaan waxa uu noqon doonaa xal ka gaarista khilaafkaan.

Ugu dambeyntii, Farmaajo ayaaoo weerar afka ah ku qaaday Xildhibaanadii Mooshinka ka keenay, kuwaasi oo gaarayay in kabadan 91, balse, dib kaga noqday markii wadahadal ay la galeen Gudoonka.

"Markii aan maqlay warka Mooshinka, waxaan la hadlay wuxuu ii sheegay in Mooshinka uu yahay Qabyo…waxaana isoo baxday inay ka dambeeyaa kuwii lahaa Qabyo ninkeeda ayaa dhameystira," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM