Farmaajo oo ka qeybgalaya shirka 35aad ee Midowga Afrika

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey ayaa maanta ka dagay Addis Ababa.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, isaga oo halkaas kaga qayb galaya meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika, hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabadaha kala duwan ee ay qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada.

Ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha iyo la dagaallanka ayaxa, kuwaas oo ah khataro ay wajahayso Qaaradda Afrika ayaa si lamid ah ku jira ajandahooda.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Farmaajo ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madaxda kale ka ee ka soo qayb galaysa Shirweynahan Midowga Afrika.

Farmaajo iyo Wafdigiisa waxaa halkaas soo dhoweyn heerkeedu sarreeyo ugu sameeyey Wasiiro kala Duwan oo ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed Safiirkeenna inoo jooga dalka Itoobiya Danjire Abdilahi Ahmed Jamac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM