Farmaajo oo ku biiray hogaamiyeyaasha ku shirsan Asmara

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ASMARA, Eritrea - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Isniin ah gaaray magaaladda Asmara, caasimada waddanka Eritrea.

Madaxweyne Isaias Afwerki iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Ereteriya ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magalo madaxda dalkaas dhaca Geeska qaarada Afrika.

Abiy Axmed, ra'iisul wasaaraha Itoobiya, ayaa shalay ka degay halkaas, kaasoo habeenimadii xalay ku hoyday Asmara, oo uu ku sifeeyay "magaalo ku wanaagsan soo dhaweynta".

Madaxda ayaa yeelan doonta wadahadallo saddex-geesood ah, oo lagu jeex-jeexi doono arrimo quseeya gobolka iyo danaha gaarka ah oo ay wadagaan, sidda lagu sheegay bayaan.

Kulamo ay madaxdan horey ugu yeesheen Asmara ayay ku heshiiyeen iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyadda ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Villa Soomaaliya ayaa qoraal ku tiri "inta ay kulamadani socdaan waxa ay Madaxdu qiimeynayaan miro-dhalka tallaabooyinka la qaaday si loo xaqiijiyo isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka".

Horaantii bishaan Janaayo, 2020, madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Eritrea ee Afwerki oo ku kulmay Asmara ayaa isla meel-dhigay xoojinta heshiisyadii hore iyo iskaashiga danaha ka dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM