Farmaajo oo ku dhawaaqay shir ka dhacaya Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey ayaa ku dhawaaqay shir u dhaxeeya dowladda federaalka, maamulada iyo gobolka Banaadir oo ka qabsoomaya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidda laga soo xigtey qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, shirkaas ayaa 18-ka Febraayo wuxuu ka furmayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan," ayaa lagu yiri qoraalka.

Go'aanadda ayaa kala ah;

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka turjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka," ayaa la raaciyey bayaanka

Isaga oo u muuqda mid u dabcay cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka, dhawaqan ayaa la macno ah in Farmaajo aqbalay in uu shirka ka dhaco Muqdisho, iyadda oo maalinta uu iclaamiyey oo ah 18-ka Febraayo ay musharaxiinta isku-diyaarinayaan mudaaharaad ka dhan ah Dowladda.

Illo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Garowe Online in Arbacadii ay madaxda dowladda iyp maamuladda ka shireen qodobadii guddiga farsamada ee Baydhabo isla markaana la isla soo qaadey goobta lagu kulmayo.

"Farmaajo wuxuu soo jeediyey in Zoom ay ku kulmaan, balse waxaa ka hor-yimid Axmed Madoobe [madaxweynaha Jubaland] oo sheegay in loo baahan yahay in la saxiixo qodobada heshiiska ku cad," ayuu Garowe Online u sheegay mas'uul labada dhinac ku dhow.

Villa Soomaaliya ayaa u muuqata in ay u soo dedejisay shirka si ay u fashiliso mudaaharaadka musharaxiinta kaasoo abaabulkiisa uu maalmihii u dambeeyay si xowli ah uga socday magaaladda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM

Imaaraadka Carabta oo qaatay gaadiid ka yaallay xerada Jeneraal Gordan

Baabuurtan qaarkood duugowday ayaa laga baqay in ay u gacan-galaan dagaalameyaasha Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 04:27AM