Farmaajo oo Kulan gaar ah la yeeshay Boqorka dalka Jordan

Image
Image
Image
Image

AMMAN, Somalia- Madaxweynaha Somalia ayaa magaalada Amman ee xarunta dalka Jordan kula kulmay Boqor Waddankaas Boqor Cabdalla, oo ay kawada hadleen xariirka labada dowladood.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Cabdalla ayaa ku heshiiyay inay xoojiyaan xiriirka Somalia iyo Jordan, iyagoo iska kaashan doono arrimo ay kamid yihiin amniga, Ganacsiga, Maalgashiga iyo diblomaasiyadda.

Kulanka Labada mas'uul ayaa dhacay intii uu socday Shir madaxeedka 28-aad, ee Ururka Jaamacadda Carabta, oo Ajandiyaasha looga hadlay ay kamid ahaayeen arrimaha abaaraha ka taagan Somalia.

Farmaajo, waxaa shirkaas ku wehelinayay Safiirka Somalia ee Sucuudiga, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Cabdisalaan Hadliye iyo Mas'uuliyiin kale oo dhowr ah.

Farmaajo ayaa sidoo kale Kulamo gaar-gaar ah la yeeshay intuu ku sugnaa Jordan Madax kale oo carbeed, kuwaasi oo daneeya arrimaha Somalia iyo inay gacan ka gaystaan gurmadka abaaraha.

Wada-hadalka Boqorka Jordan iyo Farmaajo ayaa kusoo aaday xilli Madaxweynaha Somalia uu ballan qaaday inuu soo celin doono xiriirka dalku la leeyahay beesha caalamka, si kor loogu qaado maalgashiga iyo wax soo saarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM