Farmaajo oo Kulan gaar ah la yeeshay Boqorka dalka Jordan

Image
Image
Image
Image

AMMAN, Somalia- Madaxweynaha Somalia ayaa magaalada Amman ee xarunta dalka Jordan kula kulmay Boqor Waddankaas Boqor Cabdalla, oo ay kawada hadleen xariirka labada dowladood.

Madaxweyne Farmaajo iyo Boqor Cabdalla ayaa ku heshiiyay inay xoojiyaan xiriirka Somalia iyo Jordan, iyagoo iska kaashan doono arrimo ay kamid yihiin amniga, Ganacsiga, Maalgashiga iyo diblomaasiyadda.

Kulanka Labada mas'uul ayaa dhacay intii uu socday Shir madaxeedka 28-aad, ee Ururka Jaamacadda Carabta, oo Ajandiyaasha looga hadlay ay kamid ahaayeen arrimaha abaaraha ka taagan Somalia.

Farmaajo, waxaa shirkaas ku wehelinayay Safiirka Somalia ee Sucuudiga, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Cabdisalaan Hadliye iyo Mas'uuliyiin kale oo dhowr ah.

Farmaajo ayaa sidoo kale Kulamo gaar-gaar ah la yeeshay intuu ku sugnaa Jordan Madax kale oo carbeed, kuwaasi oo daneeya arrimaha Somalia iyo inay gacan ka gaystaan gurmadka abaaraha.

Wada-hadalka Boqorka Jordan iyo Farmaajo ayaa kusoo aaday xilli Madaxweynaha Somalia uu ballan qaaday inuu soo celin doono xiriirka dalku la leeyahay beesha caalamka, si kor loogu qaado maalgashiga iyo wax soo saarka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM