Farmaajo oo la kulmay gudoonka labada Aqal ee BF Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Labada Guddoomiye ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey shaqooyinkii u qabsoomay Labada Gole muddadii lasoo dhaafay, iyagoona dul istaagay dadaallada mudaneyaasha Baarlamaanku ay ugu jiraan dejinta iyo ansixinta sharciyada dalka.

Farmaajo ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqeynta Labada Gole ee Baarlamaanka, si ay u horseeddo qorshe iyo waxqabad mideysan oo sal dhig u noqda xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyeyaasha Labada Gole ayaa isla qaatay dardar gelinta howlaha horyaalla Baarlamaanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin meel marinta 29-ka hindise sharciyeed ee Xukuumaddu ay gudbisay.

Hogaamiyaha dalka Geeska Afrika dhaca ayaa kula dardaarmay Mudaneyaasha Baarlamaanka in ay ansixiyaan shuruucda hor-tabinta leh, ka hor xiritaanka kalfadhiyada Labada Gole ee haatan socda.

Kulankaan ayaa kusoo beegmaya iyadda ay hakad ku jirto wadashaqeyntii labadda Gole xili aanan lagu caddeyn bayaanka kasoo baxay madaxtooyadda hadii la xaliyay murankaasi.

Aqalka Sare ayaa ku eedeeyay Golaha Shacabka in uu isku kali yeelay ansixinta Miisaaniyadda, ka qaybgalka shirarka caalamka iyo howlaha kale ee muhiimka u ah dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM