Farmaajo oo la kulmay wakiiladda Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa Sabtida maanta ah wuxuu Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho kula kulmay wakiiladda Beesha Caalamka marka laga reebo danjiraha Mareykanka, Donald Yamamota, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo xog ogaal ah.

Wadahadaladda ayaa diiradda lagu saarey is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya, shir deg-deg ah oo madaxda dowladda federaalka iyo maamulada ay ka yeeshaan xalka arrimaha la isku hayo iyo goobta uu ka qabsoomayo kulankaas.

Sidda ay xoguhu muujinayaan, wadaxaajoodyadda oo ahaa kuwa albaabada u xiran yihiin ayaa soo gabagaboobay waxaana dhinacyadda la filayaa in ay soo saaraan war-saxaafadeedyo kala duwan oo ay ku fahfaahinayaan kulankooda iyo natiijadda kasoo baxday.

"Koox safiiro ah ayaa la kulmay madaxweynaha, waxayna u gudbiyeen aragtida Beesha Caalamka ee doorashooyinka. Natiijada waxaa kagu shaacin doonaa qoraalo ay soo kala saari doonaa Villa Soomaaliya iyo danjireyaasha," ayuu yiri diblumaasi si dhow ula socday shirka oo u waramay warsidaha Garowe Online.

Yamamota ayaa uga baaqdey kulankan maadaama diblumaasiyiinta Ameerikaanka ee ku sugan Muqdisho aan loo ogoleyn in ay ka baxaan xeyndaabka xerada Xalane oo ah fadhigooda ugu weyn.

Ma jiro qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu fahfaahiyey baaqashadda Yamamota, balse waxaa loo badinayaan in ay la xiriirto sababo amniga caasimada oo aan sugneyn.

Inta badan madaxda Soomaaliya ayaa mas'uuliyiinta Ameerikaanka ah waxay kula kulmaan gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho iyo xerada Xalane oo ay degan yihiin inta badan diblumaasiyiinta reer Galbeedka iyo safiirada wadamada caalamka u qaabilsan dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM