Farmaajo oo la kulmay wakiiladda Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa Sabtida maanta ah wuxuu Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho kula kulmay wakiiladda Beesha Caalamka marka laga reebo danjiraha Mareykanka, Donald Yamamota, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo xog ogaal ah.

Wadahadaladda ayaa diiradda lagu saarey is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya, shir deg-deg ah oo madaxda dowladda federaalka iyo maamulada ay ka yeeshaan xalka arrimaha la isku hayo iyo goobta uu ka qabsoomayo kulankaas.

Sidda ay xoguhu muujinayaan, wadaxaajoodyadda oo ahaa kuwa albaabada u xiran yihiin ayaa soo gabagaboobay waxaana dhinacyadda la filayaa in ay soo saaraan war-saxaafadeedyo kala duwan oo ay ku fahfaahinayaan kulankooda iyo natiijadda kasoo baxday.

"Koox safiiro ah ayaa la kulmay madaxweynaha, waxayna u gudbiyeen aragtida Beesha Caalamka ee doorashooyinka. Natiijada waxaa kagu shaacin doonaa qoraalo ay soo kala saari doonaa Villa Soomaaliya iyo danjireyaasha," ayuu yiri diblumaasi si dhow ula socday shirka oo u waramay warsidaha Garowe Online.

Yamamota ayaa uga baaqdey kulankan maadaama diblumaasiyiinta Ameerikaanka ee ku sugan Muqdisho aan loo ogoleyn in ay ka baxaan xeyndaabka xerada Xalane oo ah fadhigooda ugu weyn.

Ma jiro qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo lagu fahfaahiyey baaqashadda Yamamota, balse waxaa loo badinayaan in ay la xiriirto sababo amniga caasimada oo aan sugneyn.

Inta badan madaxda Soomaaliya ayaa mas'uuliyiinta Ameerikaanka ah waxay kula kulmaan gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho iyo xerada Xalane oo ay degan yihiin inta badan diblumaasiyiinta reer Galbeedka iyo safiirada wadamada caalamka u qaabilsan dalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM