Farmaajo oo xukunka "uga dayda" hogaamiyaha Eritrea

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey ayaa la sheegay in uu dalka kusoo celinayo nidaam kalitalis ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Maxamed C/laahi Farmaajo wuxuu nidaamka xukunka uga dayanayaan hogaamiyaha Eritrea, Isaias Afwerki, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ku eedeeyay Farmaajo in uu isku dayayo in uu waddanka dib ugu celiyo xukun kalitalis ah.

Sida laga soo xigtey Warsame, dadka Soomaaliyeed waa in ay aragti mideysan ka qaataan qaabka looga hortagi lahaa fekerkan liddiga ku ah dimuqraadiyadda curdanka ah ee dalka ka jirta.

"Dal aysan 30 sanno doorasho ka dhicin, xukunkana hal nin gacantii ku jiro, dastuur iyo Baarlamaan toona lahayn, shirkadaha ganacsiga oo idilna ay dowladda leedahay, shatigana uu kaligii taliyaha bixinayo, lana siinayo inta uu isagu raalliga ka yahay iyo inta eex lagu naas nuujinayo, ruuxii qaangaar ah waxaa qasab ku ah in uu tabbar ciidan qaato. Mucaaradna ma jiro, waa mid la dilay, la xabisay, kii baxsadayna ubbadkiisa iyo ehelkiisa laga gooyo," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Muwaaddinku haddii uu safrayo waa inuu oggolaasho Dowladda ka helaa. Dalkaasi waa Eritrea, Soomaaliyana xukun sidaa u eg ayey 21 sano soo martay".

"Farmaajo iyo raggiisa odayga Eritrea ayey tufta xukunka ka soo qaataan, maadaama dawladii duntay ay sidaa u ekaydna, xukunkii odaygii hore hilow baa u haya," ayuu hoosta ka xariiqay.

Warsame ayaa xusay: "Laakiin ma sahlana in Soomaaliyada maanta loo celiyo sidii ay 30 sano ka hor ahayd, balse isku dayga iyo iska caabbinta ayaa qiimo culus ugu kacaya dalka iyo dadkaba".

"Si taas loo yareeyo waa in halistaa aragti mid ah laga yeesho, la isla garto dhagarta rajiimka iyo kuwa gadaal ka taagan, damaca dib loo liqo, lana helo midnimo lagu wajaho marxaladda adag ee nagu soo socota," ayuu kusoo afmeeray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM