Farmaajo oo laba arrin uga digay saraakiisha Booliska oo uu la kulmay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Farmaajo ayaa habeenimadii Isniinta ahayd waxa uu kormeer kadis ah ku tegay xarunta Ciidanka Booliska ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Hogaamiyaha dalka oo shir gaar ah la yeeshay saraakiisha ciidanka Booliska ee howlgaladda kawada caasimada ayaa waxaa gudoomiyay isu imaatinkaasi, taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Zakiya Xuseen Axmed, taliye ku xigeenka ahna afhayeenka ciidanka Booliska, oo fahfaahin ka bixisay kulanka ayaa shaacisay laba arrimood oo uu Farmaajo uga digay dhinacyada kulanka ka qaybgashay.

"In shacabka aan la dhibateyn iyo in laga fogaado musuq-maasuqa," ayay Zakiya u sheegtay suxufiyiinta, iyadda oo intaasi ku dartay "Waxa uu noo keenay fariin uu ka siday shacabka uu madaxwaynaha u yahay.

Kulankaan degdega ah ayaa ka dambeeyay markii ay kordheen tirada shacabka gaar ahaan darawalada Bajaajleyda oo ay ciidanka dilayaan. Waxaa ugu dambeeyay Maxamed Deeq oo Sabtidii la toogtay.

"Madaxwaynuhu wuxuu inoo sheegay in sarkaalkii dhibaateeya qof shacab ah ama ku kaca musuq-maasuq laga qaadi doono talaabo adag," ayay Zakiya daba dhigtay hadalkeeda, inkasta oo aysan fahfaahin.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo lagu kalsoon yahay, Farmaajo ayaa sidoo kale saraakiisha kusoo qaaday xirnaanshiyaha wadooyinka, oo shacabku ay ka muujiyeen cabasho baahsan.

Gaadiidleyda oo si joogta ah u bixiya canshuur kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay dhigayay dibad-baxyo ay ku codsanayaan in jidadka la furo ayaa ku dhawaaqay maalmo shaqo joojin ah, wallow aysan dhaqan-gelin.

Kulankaan uu Farmaajo la yeeshay saraakiisha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa imaanaya xili horaantii isbuucaan uu ku goodiyay in gacan bir ah ay ku qaban doonto xukuumadiisa cid kasta oo khal-khal gelisa amniga.

Dhanka kale, taliska Booliska ayaa u gudbiyay xeer-ilaalinta dalka liiska 40 dhalinyaro oo lagu soo qabtay dibad-baxyadii ugu dambeeyay, kuwaasi oo wajahaya dacwad ku aadan in ay burburiyeen hanti dadwayne.

Hoos ka akhriso magacyadda

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM