Farmaajo oo laga dalbadey in uusan mar kale isa soo sharaxin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa dalbadey in madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo uusan mar kale isu soo taagin xilka ugu sareeya dalka.

War-saxaafadeed Talaadada maanta ah kasoo baxay musharaxiinta ayaa lagu caddeeyay in Farmaajo uu mas'uul ka yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee "ku dhamaadey colaada sokeeye ee Itoobiya.

"Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu garab taagan yahay waalidiinta ubadkooda kaga maqan yihiin dalka Eritrea. Waxaa soo xoogaysanaya cadaymaha in dhalinyaradaasi ay ka qaybgaleen dagaalkii Gobolka Tigreega," ayay sheegeen.

Sida laga soo xigtey bayaanka, hogaanka dowlada federaalka ah ee muddo xileedkooda dastuuriga ah uu dhamaadey ayaa iska-indha-tiray in ay gutaan waajibaadka ka saaran in ay la hadlaan waalidiinta dhalinta.

"Haddaba, goluhu wuxuu cadaynayaa in madaxweynaha xilkiisa dhamaaday uu qaadayo masuuliyada. Waxaan suuragal ahayn in isagoo gaystay gaboodfal intaa la eg uu damac kaga sii jiro hoggaanka dalka," ayay tibaaxeen.

Dhalinyarada tababarka sida qarsoodiga ah loogu qaadey Eritrea ayaa la sheegay in kalkii hore lagu wargeliyey in loo qaadayo Qadar hase ahaatee loo leexiyey Asmara halkaasoo wali qeybtood aanan laga soo celin.

Waalidiinta dhalinyaradaas tababarka loo qaadey oo banaanbaxyo kala duwan ka dhigay magaala madaxda Muqdisho ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen in ay helaan cadaalad lana hadasho xukuumadda dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM