Farmaajo oo lagu eedeeyay "in uu maleegayo" difaacashada kursigiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa weerar afka ah ku qaadey mas'uulka ka bedelay xafiiska.

Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Eritrea uga maqan wadahadalo laba casho ah kadib socdaalkiisa South Sudan ayuu ku eedeeyay in xilka uu hayo uu uga faa'iideysanayo sidii uu u naqshaqeyn lahaa dib u doorashadiisa.

"Hay'addaha dowladda magac ahaan ayay u jiraan mooyee, madaxweynaha ayaa u adeegsanayo sidii u soo laaban lahaa," ayuu u sheegay Somali Cable Tv.

Soo xulista Xildhibaanada si gaar ah wakiilada maamulka Somaliland ayuu ku taliyey in loo madax-banaaneeyo bulshada iyo dadka halkaas kasoo jeeda, isagoo ka digay faragelin ay ku sameyso Madaxtooyadda Soomaaliya.

"[Hadii ay faragelin dhacdo] waxaan u aragnaa nin shaarkiisa tolonaya," ayuu tibaaxay, isagoo si gaar ah u weeraraya madaxweyne Farmaajo.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ayuu tilmaamay in ay ka gaabisay la dagaanka Al-Shabaab ayna arrintaas keentay in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay haatan haminayaan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen coddeynta.

Heshiiska doorashooyinka ee dowladda federaalka ah iyo maamulada ayuu soo dhaweeyay, wallow uu carabka ku dhuftay "in uu soo daahay".

Inkasta oo uu diidey in uu "sharci darro" ku qeexo riditaankii Xasan Cali Khayre, madaxweyne Farmaajo ayuu ka dhawaajiyey in uu "raali ka ahaa maadaama uu daqiiqado gudahooda ku aqbalay dastuur ku tumashadaas".

Khayre iyo Farmaajo oo in ka badan saddex sano saaxiibo ku ahaa saaxada siyaasada ayaa ugu dambeyntii ku kala irdhoobay danahooda doorashooyinka 2020-21 oo iska hor-yimid, waxayna hadda yihiin murashaxiin.

Tartanka madaxtinimada Soomaaliya oo ololihiisa durba uu bilowday ayaa loo muddeeyay inta u dhaxeysa 8-da Janaayo illaa 8-da Febraayo, iyaddoo wixii ka dambeeya lasoo xuli doono mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UK iyo Maraykanka oo Ka Digay Jabsi Ka Dhacay Nidaamka E-Visa-ha Soomaaliya

Hay’adda Socdaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin faahfaahinta jabsiga ama tallaabooyinka la qaadayo.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 11:20AM

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM