Farmaajo oo lagu eedeeyay "in uu maleegayo" difaacashada kursigiisa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya ahna hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Midowga Nabada iyo Horumarka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa weerar afka ah ku qaadey mas'uulka ka bedelay xafiiska.

Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Eritrea uga maqan wadahadalo laba casho ah kadib socdaalkiisa South Sudan ayuu ku eedeeyay in xilka uu hayo uu uga faa'iideysanayo sidii uu u naqshaqeyn lahaa dib u doorashadiisa.

"Hay'addaha dowladda magac ahaan ayay u jiraan mooyee, madaxweynaha ayaa u adeegsanayo sidii u soo laaban lahaa," ayuu u sheegay Somali Cable Tv.

Soo xulista Xildhibaanada si gaar ah wakiilada maamulka Somaliland ayuu ku taliyey in loo madax-banaaneeyo bulshada iyo dadka halkaas kasoo jeeda, isagoo ka digay faragelin ay ku sameyso Madaxtooyadda Soomaaliya.

"[Hadii ay faragelin dhacdo] waxaan u aragnaa nin shaarkiisa tolonaya," ayuu tibaaxay, isagoo si gaar ah u weeraraya madaxweyne Farmaajo.

Dowladda waqtiga kasii dhacayo ayuu tilmaamay in ay ka gaabisay la dagaanka Al-Shabaab ayna arrintaas keentay in xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay haatan haminayaan sidii ay u carqaladeyn lahaayeen coddeynta.

Heshiiska doorashooyinka ee dowladda federaalka ah iyo maamulada ayuu soo dhaweeyay, wallow uu carabka ku dhuftay "in uu soo daahay".

Inkasta oo uu diidey in uu "sharci darro" ku qeexo riditaankii Xasan Cali Khayre, madaxweyne Farmaajo ayuu ka dhawaajiyey in uu "raali ka ahaa maadaama uu daqiiqado gudahooda ku aqbalay dastuur ku tumashadaas".

Khayre iyo Farmaajo oo in ka badan saddex sano saaxiibo ku ahaa saaxada siyaasada ayaa ugu dambeyntii ku kala irdhoobay danahooda doorashooyinka 2020-21 oo iska hor-yimid, waxayna hadda yihiin murashaxiin.

Tartanka madaxtinimada Soomaaliya oo ololihiisa durba uu bilowday ayaa loo muddeeyay inta u dhaxeysa 8-da Janaayo illaa 8-da Febraayo, iyaddoo wixii ka dambeeya lasoo xuli doono mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM