Qoraal ka dhan ah Farmaajo oo loo diray Beesha Caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku lugleeyahay colaadda kasoo cusboonaatay magaaladda Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Sidda ay ku sheegeen qoraal ay u direen wakiiladda Beesha Caalamka, madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo horjeeda xal laga gaaro xiisada gobolka Gedo kana shaqeynaya isku-dhaca ciidamo Soomaaliyeed.

Ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan shan caruur walaalo ah ayaa ku nafwaayey dagaal ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubaland ku dhexmaray magaalada Beledxaawo oo ku dhow sohdinta dalka Kenya.

"Madaxweynuhu waa in uu ka fogaadaa dhiiragelinta maleyshiyaadka degaanka ee Jubaland iyo qaybaha kale ee waddanka waxaana ku waajib ah in uu wadahadal ku dhamaayo khilaafyadda maxaliga ah ee taagan," ayay ku sheegeen warqadan ku taariikheysan 25-ka Janaayo, 2020.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay in ciidamada Kenya ay dagaalkaas qeyb ka ahaayeen lana safteen dhigooda Jubaland. Balse, Nairobi iyo Kismaayo waxay ganafka ku dhufteen sheegashadda xukuumada Muqdisho.

Dhanka kale, musharaxiinta ayaa qoraalkooda waxay ku caddeeyeen in dowladda federaalka aysan wadin wax dhaqdhaqaaq ah oo lagu soo gabagabeynayo is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka si waqtigeeda ugu dhacdo.

"Waxaan soo dhaweynaynaa dedaaladda Beesha Caalamka bilowdey six al loo helo kahor dhamaadka muddo xileedka dastuuriga ah ee dowladda federaalka iyo madaxweyne Farmaajo," ayay ku qeexeeyn bayaankooda.

Ugu dambeyntii, musharaxiinta ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka doonayaan in dowladda abuurto jawi waddanka looga badbaadin karo firaaq dastuuri ah xalna lagu gaaro kahor 8-da Febraayo oo waqtigeeda dhamaanayo.

Hoos ka akhriso qoraalka

No photo description available.

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM