Farmaajo oo "lagu riixayo" in uu darajada ciidanimo ka qaado Bariise

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyne Farmaajo ayaa "lagu riixayaa" in uu darajada ciidanimo la xayuubiyo Sareeye Guuto Jeneraal Maxamed Cali Bariise, sidda uu shaaciyey Xildhibaan.

Isagoo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, sharci-dejiye Axmed Macalin Fiqi ayaa warkaan ku faafiyey boggiisa xiriirka bulshadda.

Bariise, taliye ku xigeenkii Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed, ayay warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan jagadda uu hayey.

Villa Soomaaliya ayaa baahisay in Bariise xilka laga qaadey markii Farmaajo "garwaaqsaday baahida loo qabo in tayeynta ciidanka".

Hase ahaatee, Bariise ayaa daboolka ka qaadey in uu 18-kii Febraayo 2020 uu isu casilay "faragelinta siyaasadeed ee lagu hayo ciidanka".

"Madaxweynaha ayaa lagu qalqaalinayaa in Gen. Bariise uu rabo in uu kula kaco qaabkii Gen. Cabdalla Cabdalla oo darajooyinka ciidamanimo ee uu tobankii sano ee la soo dhaafay taliyuhu dadaalkiisa, kartidiisa iyo aqoontiisa uu ku kasbaday," ayuu Fiqi kusoo qoray bartiisa Facebook.

Jeneraal Cabdalla Cabdalla, taliye ku xigeenkii hay'adda hay'adda sirdoonka Soomaaliya, ayaa darajadda laga xuyuubiyey markii laga eryay xilkii uu hayey.

Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanka

Waxaa jira warar ka soo baxaya madaxtooyada oo ka caraysan warqadda xil ka tagista Gen. Bariise ee Warbaahintu ay faafisay taasoo lagu bartilmaameedsanayo Gen. MAXAMED CALI Bariise oo ahaa taliye ku xigeenkii ciidanka XDS.

Madaxweynaha ayaa lagu qalqaalinayaa In Gen. Bariise uu rabo In uu kula kaco qaabkii Gen. Cabdalla Cabdalla oo darajooyinka ciidamanimo ee uu tobankii sano ee la soo dhaafay taliyuhu dadaalkiisa, kartidiisa iyo aqoontiisa uu ku kasbaday.

Waxaan ka digaynaa In aan awoodda madaxtinimada si qaldan loogu adeegsan shakhdiyaadkii dalkaan u soo halgamay, diyaarkana u ahaa In ay naftooda huraan.

Maxaad u sheegtay inaad is casishay, oo aad u qaadan waydey inaan ku casilay ayuu xaalku taagan yahay!?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM